Labo Wiil Oo Soomaali Maraykan Ah Oo Ku Dhintey Haro Ku Taal Dalka Maraykanka

Wiilashan ayaa magacyadooda lagu sheegay Idris Xuseen oo toban sano jir ah iyo Axmed Xaashi oo 11 jir ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in carruurtan ay ka mid ahaayeen ardayda wax ka barata dugsiga hoose ee Willmar sida uu xaqiijiyay maamulka dugsigaas Kristin Dresler.

Qoysaska Soomaaliyeed ee degenaanshaha ka helay dalalka caalamka ayaa kala kulma dhibaatooyin soo wajaha kuwaasoo sababta in carruur ay ku geeriyoodaan halka dhalinyaradana loo xirxiro sababo la xiriira argagaxosada.