MA DHABAA IN MADAXTOOYADU WADDATO GUDOOMIYE MUUSE BIXI,W/Q:-Axmed Maxamed Bookh

markaad eegto in dhawaalaba waxa gobalka gabiley oo lagu hadal heynta badan yahay goobaha leys kugu imaado halkey ku danbeysey rajadii iyo ididiladii ay ka qabeen dadka reer gabiley in asxaabta qaran mar uun majaraha u qabtaan taasi oo ay hamuum badan u hayeen , tan iyo intii ay soomaliland ka hana qaadey nidaamka asxaabta badan.

hadaba dad badan oo reer gabiley ayaa aad ugu hanqal taagay sidii qurux badan ee madax weyne siilaayo ugu cumaamadey hogaanka xisbiga talada haya iyada oo dad badan oo la socda geedi socodka siyaasada aqalka looga arimiyo dalka ee madax tooyada ayaa ku dooda in siyaasada aqalka madaxtooyadu tahay mid aan la saadalin karin ,halka kuwa kalena ay qabeen iney u dhan tahay gudoomiye muuse bixi sidaana ku yahay madaxweyne doodaas dadka qaar qabeen iney tahay dhalaan habaabis siayadeed oo aan muuse waxba loo ogaleyn .
waxaan xasuustaa malintaas ku beegneyd 10/11/2015 iyadoon ku doodayo muuse waa madaxweyn iyo maaha [ayaa nin odayaa yidhi gabadhbaa hablo dhali jirtey dabadeed wiil ayey dhashey isla markiiba isagoo xabkii le ayey tidhi waatan wiilkey waayaa dabadeed is hubsaa layidhi] mayeyna u muuqan maanta markaad eegto sidey wax u socdaan in odeygaasi saxnaa,anoo u daadagaya dulucda qoraalkeyga waxyaalaha dad weynaha reer gabiley in loo iftiimiyo u baaham yihiin waxaa ka mida inuu dhamaadey dagaalkii madaxtooyada iyo gudoomiye muuse bixi waxayna u cuskanayaan madaama ilaa hada talada gobolka iyo ta dagmada midna aan waxba laga weydiin kasoo uu ka soo jeedo .
tasoo gobolka loo daba fadhiisto koox haweena oo ku wareegsan madaxtooyada oo idhaa anaa gobolka matalna iyadoo ay kooxdaasi ay yihiin hadhaagii wadaadadii ooda jabiyey wakhtigii shirweynaha, ayey dadka reer gabiley kala garan laa yihiin ma qoladiibaa soo noqotey mise hogaanka xisbiga ayaa xarbul qalamkii ka dhamaan marka wax loo weydiinayo dadkii ka soo horjeedey [ ninbaa bari dagaal galey isagoo sitey leeb iyo qaanso iyo kiish sun ah oo leebka la mariyo dagaalkiiayuu ku dhaawac mey dabadeed si loo daweeyo ayaa wax loo raadiyey dabadeed waar kiiskan yer uga eega dawo ayaa la yidhi wixii kiishka ku ogaana waa sun markasuu yidhi ma kaasaad dawo iga eegteen hadaa waan jabey, mayaanu hogaankii xisbugu xaalkaa mareyn mar hadii xagaa dawo looga deyey guntii iyo gaba gabadii , mamulka cusub ee uu gobalka loo soo dhisey ayaa ah md aad looga soo dhaweyey gobolka gabiley balse waxay waajihi doonaan maamul ka soo horjeeda siyaasada xisbiga weyna adkaan doonta in ay wada shaqeeyaan kuna danbeeyaan sidii maamulkii xisbiga kulmiye ee wajaale isu casileen markii ay waayeen mamul ku shaqeynaya siyaasada xisbiga balse hoostaga siyaasada xawaleyda madaxtooyada u qaabilsan gobolka gabiley.

ALLAAH MAHAD LEH
Axmed maxamed bookh [ isha] gobolka babiley
Gabiley.net