DAAWO:Madaxweynaha S/land Ayaa Kulan La Qaatay Safiirka Dawlada Jarmalka Ufadhiya Dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyada S/land Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Ayaa Xarunta Qasriga Madaxtooyada S/land Kulan Kula Yeeshay Safiirka Cusub Ee Dawlada Jarmalka Ufadhiya Dalka Kenya

Kulan Ayaa Waxa Goob Joog Ka Ahaa Madaxweynahana Ku Wehelinayyey Wasiirada Wasarada Madaxtooyada Iyo Qorsheynta Iyo Sidoo Kale Wasiirku Xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada
Waxana Ujeedada Kulankani Uu Daraana Xidhiidhka Iyo Wada Shaqeynta Wacan Ee S/land Iyo Dawlada Jarmalka Waxaana Kulankan ka Warbixiyey Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Cali Shoombe Waxaanu Uyidhi
Kulankani Waxa Uu Daaranaa Wada Shaqeynta Walaaltinimo Ee Ka Dhexeysa Dalka Jarmalka Iyo Dawlada S/land Safiirka Iyo Madaxweynuhuna Waxay Si Qoto Dheer Uga Wada Hadleen Xidhiidhka Diblomaasiyadeed Ee S/land Iyo Dawlada Jarmalka