MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO SI ADAG UGA HADLAY WEERARKII GAROONKA DIYAARADAHA ATATURK EE DALKA TURKIGA

Moqdisho (GNN) Madaxweynaha dalka Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa hada ka soo baxay xafiiskiisa war saxaafadeed uu madaxweynuhu si adag uga hadlaayo weerarkii aragagixiso ee lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalda Istanbul

Madaxweynaha ayaa ficilkaasi aad u canbaareeyey isla markaana waxaaa uu madaxweynuhu war saxaafadeedkan uu soo saaray ku tilmaamay in uu ahaa mid waxuush nimo ah waxaana uu xusay in u jeedka weerarkaasi aragagixisadu la leedahay in ay tahay sidii loo layn lahaa dadka maatida ah

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Caalamka inay u midoobaan la dagaalanka Argagixisada oo caadeystay daadinta dhiigga dadka aan waxba galabsan.

Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray Madaxda dowladda Turkiga iyo Ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, sidoo kale waxaa uu alle uga baryay inuu caafimaad dadkii ku dhaawacmay.

“Anigoo ku hadlayo magaca Umada Soomaaliyeed waxaan Tacsi u dirayaa Madaxda Dowlada Turkiga iyo Shacabkii ay wax yeelada ka soo gaartay weerarka kooxaha Argagixisada ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Istanbul, waxaana alle ugu baryaa Dadkii ku dhaawacmay in alle Deg deg caafimaad siiyo, ayuu yiri Madaxweynaha.

Weerarkii garoonka diyaaradaha Ataturk ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30-ruux, halka 150 kale ku dhaawacmeen.

Gabiley.net