MASAR OO FARANSIISKA KALA WAREEGAY MARKABKA DIYAARADAHA XAMBAARA EE MISTRAL OO RUUSHKU MARKII HORE IIBSADAY

Markabka diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka xambaara ee Faransiisku sameeyay, laguna magacaabo Mistral
ayaa si rasmi ah loogu gacan geliyay ciidamada bada ee dalka Masar, oo lacag hal bilyan oo dollar ku dhow kaga iibsaday dalka Faransiiska.

Markabkan oo Ruushku markii hore ka iibsaday Faransiiska, balse cuna qabataynta Midowga Yurub ku soo rogay ka hor istaagtay, ayaa waddamada Khaliijka Carabtu uu iibsheen dalka Masar, kaas oo lacagta ku baxday dhan tahay, €950 million Yuuro oo u dhiganta ($1.06 billion) dollar.

Markabkan oo ciidamada Masar Magaciisa u badaleen Gamal Abdel Nasser, ayaa khamiistii gaadhay dekada Alexandria, ka dib markii uu safar qaatay afar iyo toban maalmood kaga soo dhaqaaqay dekada magaaladii lagu sameeyay ee Saint-Nazaire ee dalka Faransiiska.

 

Gabiley.net