MAXKAMADA SARE EE MARAYKANKA OO IS HORTAAGTAY QORSHAHA MADAXWEYNE OBAMA EE SOO GALAYTIGA BILAA SHARCIGA AH

Maxkamada saree e dalka Maraykanka ayaa laashay kuna gacan saydhay, sharciga la dhaqanka soo galaytiga sharci darada ah ee Madaxweyne Obama, sharcigan oo ah mid daryeel iyo taageero siinaya soo galaytiga sharci darada ku jooga dalka Maraykanka oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 11-milyan oo qof, kuwaas oo badankoodu Mexican yihiin.

Madaxweyne Obama oo markii sharciga Maxkamadu soo baxay, warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka Maxkamadu ku joojisay sharcigii soo galaytiga sharci darada ah, waxa uu sheegay in is hor taaga maxkamadu noqonayo mid wax walba xidha oo ka hor istaaga dadkaa soo galaytiga ah, dib u dhac iyo dhaqaale burburna keeni kara.