Maydka Feedhyahankii Caanka Ahaa Mohamed Ali Oo Kumanaan Muslimiin Ahi Ku Tukadeen, Maalinta Barrito Oo La Aasi Doono.

Washinton(GNN):- Alle haw naxariistii maydka feedhyahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali ayaa maanta lagu tukaday iyada oo lagu wado in maalinta jimcahha ah lagu aaso doono magaaladii uu ka soo jeeday.

 

Boqolaal ka mid ah muslimiinta maraykanka oo uu ka soo dhex muuqday madaxweynaha dalka Turkiga ayaa maanta ka qayb galay salaada jinaasada ah ee lagu tukaday maydka feedhyahankii muslimka ahaa ee Maxamed Cali oo dhawaan ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Qaar ka mid ah ehelada marxuun Maxamed Cali oo ay ka mid ahaayeen gabadhiisa, inanta uu dhalay ee Layla Cali iyo inanta uu awawga u

yahay ee Sydney ayaa ka mid ahaa dadkii ku sugnaa goobtii la keenay maydka Maxamed Cali ee lagaga tukaday salaada Jinaasada.

Maalinta jimcaha ayaa lagu wadaa in la aaso maydka marxuun Maxamed Cali oo ka mid ahaa dadka muslimka ah ee ugu saamaynta badnaa dalka maraykanka

 

 

G