PROF. AXMED ISMAACIIL SAMATAR OO LA FILAYO INNUU SI RASMIYA UGU BIIRO XISBIGA MUXAAFIDKA AH EE KULMIYE

Hargaysa(GNN):-Waxa toddobaadkan aynnu ku jirno la filayaa in Xisbiga talada haya ee KULMIYE ay soo af-jarraan rajaddii iyo Xod-xodashaddii ay labadda Xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID ugu jireen soo jiidashadda Aqoon-yahan Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo saamayn siyaasaddeed iyo loollan cusub ka dhex abuuray Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland ka jira.

download (1)
Inkastoo aannu jirin War si rasmiya uga soo baxay Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, haddana sida ay sheegayaan ilo wareedyo u dhuul-daloola Madaxda Xisbiga KULMIYE waxa ay daboolka ka qaaddeen in Maalinta Salaasadda ee toddobaadkan aynnu ku jirno munaasibad balaadhan loo qaban doono ka mid noqoshadda prof. Axmed Ismaaciil Samatar ee Xisbiga KULMIYE, isla markaanna la shaacin doono Qoddobadda heshiis u dhaxeeya Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo hadda ku booqasho ku jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sida qorshuhu yahay waxa uu safar ugu soo bixi doonnaa Magaalada Boorama ee gobolka Awdal, halkaasoo ay iyagunna labadda maalmood ee foodda innagu soo haya ay u bixi doonnaan hogaanka sarre ee Xisbiga KULMIYE oo uu hogaaminnaayo Guddoomiyaha Xisbigaas,isla markaanna ah Murashaxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, Wasiirro, Xildhibaano, iyo Madax kale oo Xisbiga KULMIYE ka tirsan.

Si kastaba ha ahaatee Xisbiga talada haya ee KULMIYE waxa uu toddobaadkan soo gebo-gabayn doonnaa rajaddii ay Xisbiyadda Mucaaridku ka qabeen prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo miisaan siyaasaddeed iyo mid Aqoonneedba ku biirin doonna Xisbiga KULMIYE.

 

Gabiley.net