SHIRKA MADASHA WADATASHIGA SOMALIYA OO MAANTA OO FURMO MAGAALADA BAYDHABO.

Baydhabo(GNN)Saacadaha soo socda, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo uu ka furmo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, iyadoo dhanka kalana si wayn loo adkeeyay amniga guud ee Magaaladaasi.

Shirkan midkii ka horeeyay oo saddex toddobaad ka hor lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu go’aamiyay in Madaxda Dowladda Somaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyaduba ay markale ku kulmaan Magaalada Baydhabo.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, ayay Madaxda Somalidu mowqif mideysan kaga qaadanaysaa doorashooyinka guud ee sanadkan lagu wado in ay ka qabsooman dalka Somaliya.

Dhanka kale waxaa si wayn loo adkeeyay amniga guud ee Magaalada Baydhabo, iyadoo hakad la geliyay dhaq dhaqaaqii guud ee dadka iyo gaadiidkaba.

Boqolaal ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Amisom, ayaa waxaa saakay lagu arkayaa wadooyinka ku yaala Bartamaha Magaalada Baydhabo

 

Gabiley.net