Tirada Dad Looga Shakiyay Kooxda Al-shabaab Oo Ciidamada RRU-du  Ku Qabteen Xaafad Kamida Magaalada Hargeysa.

Ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka maanka oo la xidhiidha hawlgalka ay ciidanku sameeyeen, laakin ilo wareedyo ayaa  wargeyska Himilo u sheegay in  ciidamada RRU-du ay hawlgalnkan sameeyeen duhurnimadii jimcaha ee doraad,iyaga oo goobtaasina kusoo qab qabtay saddex qof oo midkood haweenay ahayd kuwaais oo la sheegay in looga shakisan yahay argagixisnimo.

Wararka yaa waxay intaa ku darayaan in RRU-du oo raacaya sahan ciidamada sirdoonku sameeyeen ay u daateen laba guri oo midkood yahay jiingad isla markaana ay kasoo qabteen saddexdaa  ruux oo laga shakisan yahay.

Wargeyska Himilo uma suurto galin inuu helo masuuliyiinta hay’adaha amaanka Somaliland oo wx laga waydiin lahaa hawlgalkan dadka lagu qab qabtay laakiin qaar kamida dadka degan xaafada laga soo qabtay saddexdan ruux ayaa wargeyska u sheegay in ciidanku guryaha ay dadka ka qabteen ay ka heleen hub nooca fudud ah.

Dhanka kalena intii hawlgalkani socday waxa aad loo adkeeyey amaanka xaafada ay ku yaalaan labada guri ee saddexda qof laga qab qabta, iyada oo ciidan badan la dhigay sakad kaste oo kamida xaafadaha .