UNHCR: AFRIKADA SAXARAHA KAHOOSEYSA OO DADKA BARAKACSAN AY GAAREEN 18.4 MILYAN

Dalalka dadkoodu barakacsan yihiin ayaa ah Soomaaliya iyo Koofurta Sudan iyo kuwo kale. Dadka barakacayaasha ah ayaa gaadhay 18.4 milyan gudaha Afrika gaar ahaan inteeda saxaraha ka hooseysa sanadkii 2015.

Sidaa waxaa laga soo xigtay hayada qaxootiga ee QM ee UNHCR. Si kastaba ha ahaatee dalalka khaliijka iyo Afrikada Waqooyi ayumbaa dadka barakacsan ay ka badan yihiin inta ku barakacsan Afrikada saxaraha ka hooseysa.

“Colaadaha kasii socda Koofurta Sudan, Jamhuuriyada Afrikada Dhexe iyo Soomaaliya ayaa dad badan ay kusii barakaceen’, UNHCR ayaa sidaa tiri.

‘Nigeria, Burundi, Sudan, Jamhuuriyada Dimoqraadiga Congo, Mozambique iyo meelo kale ayaa iyana waxaa kasoo bara kacay dadyow kale oo tirada ayaa dabadeed gaadhay 18.4 milyan,” UNHCR ayaa intaa raacisay.

Warbixin shalay lagu soo bandhigay Nairobi ayaa sheegtay in Afrikada saxaraha ka hooseysa ay haatan kunool yihiin 4.4 milyan.

Shalay oo ahayd maalinta qaxootiga caalamka, ayaa UNHCR waxay sidoo kale sheegtay in qaxootiga caalamka guud ahaan tiradoodu ay gaadhay meel aysan hada ka hor abid gaadhin taasoo ah 65 milyan tiro kor u dhaaftay.

Gabiley.net