War-Deg-Dega Qaraxyo Xoogan Oo Hadda Ka Dhacay Gagada Diyaaradaha Ee Dalka Turkiga.

Istanbul(GNN):-Ragg Hubaysan Ayaa Weeraro Isugu Jira Qaraxyo iyo Rasaaas Ooda Kagaga Qaaday gagida diyaaraduhu ka haadaaan ee dalka turkiga, waana madaarka ugu weyn ee dalkaasi, dhimashada ayaa ilaa hadda 36 qof halka dhaawacuna marayo 140 ruux, raggan weerarka kusoo Qaaday oo sitay qoryaha darandooriga u dhaca ayaa mar kaliyaata lagu war helay rasaasta iyo qaraxyada isku xiga ee markaliya ka qarxay Xaruntan madaarka ee diyaaraduhu ka dhoofaan,
turkey-blast-759

2997

Turkish rescue services help a wounded person outside Ataturk Airport in Istanbul, Tuesday, June 28, 2016. Two explosions have rocked Istanbul's Ataturk airport, killing several people and wounding others, Turkey's justice minister and another official said Tuesday. A Turkish official says two attackers have blown themselves up at the airport after police fired at them. The official said the attackers detonated the explosives at the entrance of the international terminal before entering the x-ray security check. (Ismail Coskun, IHA via AP) TURKEY OUT
Tirada ragga weerarka kusoo qaaday madaarka ayaa ahayd saddex nin oo hubaysan, waxaana ay rasaaasta ku bilaabeen albaabka hore ee laga galo teerminaalka garoonka diyaaradaha ee dalka turkiga, waxaana markii ay ku fureen rasaasta ayaa ciidanka ilaalada ah ee madaarku iyana ay ugu jawaabeen rasaas balse waxyar kadib waxaa xigay qaraxa ismiidaaminta ah,
Masuuliyiinta qaar ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ka danbeeyeen ururka xagjirka ah ee Daacish, Halka wararkan qaarna sheegayaan kooxaha xagjirka ah ee kurdistaan,
Madaxweyne Rajab Dayib Orodgaan Ayaa Isna Ka Hadlay Dhacdadan Islamarkiiba, waxaanu sheegay in kooxaha xagjirka ahi doonayaan in ay kagaga hortagaan dagaalka lagula jiro argagaxisada,

Lasoco wixii warar ah ee kasoo kordha dhacdadan,

Gabiley news Network
Axmed Almis.