War Deg Deg:Siyaasi Caan Ka Ah Somaliland Oo Goor Dhoweyd Ku Geeriyooday Cusbataalka Magaalada Hargeisa.

Hargeisa(G.Net)-Siyaasi Caan Ka Ah Somaliland Oo Goor Dhoweyd Ku Geeriyooday Cusbataalka Magaalada Hargeisa Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse ayaa Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Illaahay ha u naxariisto waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo ahaa wasiirkii ganacsiga ee xukuumadii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal , waxa uu ahaa mucaarad adag oo ka tirsanaa xisbiga KULMIYE wakhtigii uu mucaaradka ah ee xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Marxuun Maxamed Cabdi Iskeerse waxa uu in muddo ah xanuun u jiifay cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa

Ilaahay ha u naxariistu Marxuunka samir iyo iimaan ha ka siiyo qoyskii iyo qarabadii.