GUUTOOYIN CIIDANKA MULATERIGA DAWLADA DHEXE EE DALKA ITOOBIYA OO GAASHAAMO SOO GAADHEY.

Gaashaamo (G.Net)-  Cutubyo ka tirsan ciidamada mulatariga dawlada dhexe itoopiya ayaa galabta  soo gaadhay demgmada gaashaamo ee maamulka kililka shaanaad. ee itoobiya. isla markaana. amar ku bixiyay in aanay  ciidanka isku magacaabay liyuubooliska ee sida tooska ah uga amar qaata madaxweyne. ina illay. anay. marnaba xeradooda. kaba soo bixi karin ilaa amar danbe

Warkan oo caawa . khadka  telefanka ay uga sheegeen  shabakada salaanmedia.com dad shacaba  oo warkooda lagu kalsoon yahay oo ku sugan degmada Duruqsi iyo xaaji saalax  ee xuduudka. itoobiya iyo somaliland. dhex mara ay noo xaqiijiyay in Guutooyin ciidanka mulatariga dawlada dhexe  ee dalka itoobiya oo oodahooda wataa soo gaadheen degmada gaashaamo ciidankan oo si toosa  uga soo anbabaxay caasimada dalka itoobiya. Addis Abbaba. isla markaana ah.

ciidan xaqiiqo raadin ah oo xaqiijinaya. xasuuqii todobaadkii hore  ka dhacay tuulada jaamac dubad ee degaanka gaashaamo. ay ka fuliyeen ciidamada liyuu booliska maamulka. kililka shanaad ee sida tooska ah uga amar qaata. madaxeyne. Ina ILay. isla. markaana. ciidankan gaashaamo soo gaadhay ay si toos ah ay ula wareegeen dhamaan amnigii maamulka ee deegaankaasi gaashaamo. amarna ay ku  siiyeen. ciidanka liyuu boolisku in aanay haba yaraatee xeradooda gaashaamo ka soo bixi karin. ilaa amar danbe. intaasi ka dib ciidanka mulatarig ah ee galabta soo gaadhay gaashaamo ayaa isla markiiba qayb ka mid ahi gaadheen. deegaankii tulada jaamac dubad ee   xasuuqa ay ka fuliyeen ciidanka la magac baxay liyuu booliska maamulka kililka shanaad ee ina ILAY. ka amar qaataaa.