WASIIR KU GEERIYOODAY WEERARKII NAASO-HABLOOD

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay soo afjareen hawlgalkii ka socday hotelka Naasa-Hablood halkaas oo makhribkii ay weerar ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

36832FCD-A2DC-48BF-8373-F73160D39144_w987_r1_s1

Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa VOA u sheegay inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac hase ahaatee aanay tiro sugan xilligan haynin

7CA582DB-3A01-4D35-AEB3-886689EF5467_w610_r1_s.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ku jira Wasiiru Dawlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka Burci Maxamed Xamse oo saaka laga soo saaray maydkiisa huteelka.

Source VOA