WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALILAND OO KULAN LA QAATAY MASUULIYIIN KA TIRSAN WASAARADA ARIMAHA DIBADA ETHIOPIA

Addis Ababa(GNN):-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Sa’ad Ali Shire oo mudo laba cisho ah safar shaqo ku jooga wadanka Ethiopia ayaa kulan la qaatay Wasiir-Dawlaha Arrimaha Dibedde ee Qaybta horumarinta dalka Ethiopia Mudane, Regase Kefalew oo uu wehelinayey agaasimaha wasaarada arimaha dibada Ethiopia u qaabilsan wadamada deriska ah Haile Gabre Selese.

e092f6a2-6a45-434d-b7ef-0e85e7ad46b8(1).jpg
kulankaas oo ay labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Kulankan oo daba socday safarkii weftiga Ethiopia ay ku tegen dhawan Somaliland, waxa diirada lagu saaray iskaashiga, ganacsiga, siyaasadda, dhaqaalaha, Kulankaas ayaa wasiirka arimaha dibada somaliland waxa ku wehelinayey Safiirka Safaaradda JSL ee Itobiya, Mudane Adam Muse Jibril, iyo Safiir ku Xigeenka Safaaradda JSL ee Itobiya, Mudane Ayanle Salad Deria.

Kulankaasi waxuu ku soo dhamaday isgarad iyo wadashaqayn joogtaysan.
Allah Mahad Leh

Ladna Hassan Rabi

Public Relation Officer

Somaliland Embassy

Addis Ababa Ethiopia