WFP OO KA HADASHAY RAASHINKII DHACAY EE SHALAY LAGU QABTAY GAROONKA DIYAARADAHA MUQDISHO

Hargaysa(GNN)Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, ayaa ka hadashay raashin dhacay oo shalay lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kaasoo la sheegay in loo waday Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Madaxa Xiriirka Hay’adda WFP ee Somalia, Laylo Cali oo la Hadashay Warbaahinta DFS, ayaa xustay in Hay’adoodu ay Raashin dhacay ku hayso Muqdisho, Laakiin ay hubinayaan in raashinkan loo kaydiyay si aan wanaagsanayn, taasoo laga yaabo inay ku keentay waxyeello.

2016614636015000090570258Raashin_Dhacay_WFP_Somalia (1)

“Waan ognahay in muhiimadeenna koowaad ay tahay in dadka aan caawinno aannu siinno raashin tayo leh oo bad-qaba. Waxaanan Sameynaa Tallaabo walba oo aanu ku Hubinayno Tayada Raashinka aan gargaar ahaanta u bixinayno,” ayay tiri Laylo Cali.
Hadalkan Sarkaaladan WFP u hadashay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu qabtay Shalay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Raashin muddo laba sano laga joogo dhacay, kaa oo loo waday Gobolka Gedo, iyadoo raashinkan oo loosoo Bandhigay uusan ahayn mid ay qof bani’aadam ah uu cuni karo.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay inay sarkaal ka tirsan Hay’adda WFP gacanta ku dhigeen, kaasoo ay raashinka dhacay ee la qabtay ay su’aalo ka weydiinayaan.

Gabiley.net