XISBIGA KULMIYE MIYAA UU KA MAARMAY DEGAANKII ARABSIYO? TALADA SE YAA LEH.

Gabiley(GNN):-waxaan filayaa inaan la hilmaami karayn in Gobolka Gabilay
Uu leeyahay Degaamo aad u balaadhan oo Ka Kooban dagmooyin Baaxadleh hadaba degaamada ugu balaadhan Waxa ka mida
Dagmada ARABSIYO oo ay Ka soo bexeen xildhibaano 4afara Taasina waxay ku tusinaysaa inaan Dagaankaa aanu xisbiga Xaakimka Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Ka maarmi karin
Waxaan hadaba Maqaalkaygan Uga socdaa Inaan Kaga Hadlo Warsaxafadeed Uu Maanta Soo Saaray Xisbiga Kulmiye Kaasi Oo Ahaa
Magacaabistan uu sameeyay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye muj muuse Biixi Cabdi Ee Uu Ku Magacaabay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Gabiley
Waxana Habka Wax Lasoo Magacaabay Ahayd Mid Aan Loo Wada Dhanayn waa mid Muujinaysa inuu Kulmiye Ka maarmay Gabi Ahaanba
Dadweynaha reer Arabsiyo Haday Tahay Cod Haday Tahay Cuduud Iyo Haday Tahayba Kamid ahaan Shaha Xisbiga Kulmiye
Waxayna Muujinaysa Nidasi In Aanu Muuse Biixi marnaba iswaydiinin Cadka Iyo Cuduuda Taageero Ee Yaala Dagmada Arabsiyo
Waxana Marag Madoon ah Inay Arintasi Kasoo Shaqeeyen Qaar Kamid ah Wasiirada Waraabo Utaaga ah Ee kasoo Jeeda Gobolkani Gabiley Oo
Aan Khibrad U Lahayn Baaxada Dadka Iyo Deegaanada Gobolku Ka Kooban Yahay ????? Waxana Muuqata Inaanu Gudoomiyaha
xisbiga kulmiye muj muuse Biixi Cabdi Aanu Marnaba Iska Shaandhaynin Magacaabista Uu Sameeyay Oo Ahayd Mid Losoo Yeedhiyay
Waana Mid Caqabad Ku Noqon Doonta Xisbiga Kulmiye Marka Uu Galo Ololaha Doorashoyinka Oo Aanu Marnaba Guul Kasoo Hoyn Dooniin Dagmada Arabsiyo Iyo
Dagmoyinkale Oo Kamid ah Isla Gobolkani Gabiley Maadama Uu Dirtay Dad Aan Waxba Ka Garanaynin Oo Aan Waayo Aragnimo U Lahayn Ololaha Doorashoyinka
Waxayna Arintani Tooshka Ku Iftiiminaysa Sadaal Mina Awaala Oo Lagu Sheegayay Inay Xisbiga Kulmiye Kaga Awood Badan Yihiin Xisbiyada Mucaaridku
Taasi Oo U Quus Goysay Rajadii Iyo Raadintii Taageero Ee Ay Wasiiradani Ku Hawlanayeen Maalmahan Danbe
Taasi Oo ay Sabab U Tahay Inaanay Wasiiradani Wax Saamayna Ayna Ku Dhex Lahayn Dhamaanba Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Gobolkani Gabiley

Waxan Hadaba Kusoo Gaba Gabaynayaa Laba Qodob Mid Waxan Fariin Ugu Dirayaa Gudoomiyaha xisbiga kulmiye muj muuse Biixi Cabdi Oo Aan
Kula Dardaarmayo In Uu Iska Haleeyo Taageero Uu Ka Sugo Nimanka Wasiirada Waraabo Utaaga ah Ee kasoo Jeeda Gobolkani Gabiley
Qodobka Labaad waxan Shacbiga Gobolka Gabiley Kula Talinayaa Inay Ka Gun gaadhaan taladaasi Halka ay Ka soo baxaday
Waxaan filayaa inay tahay taladii Gudoomiyaha xisbiga kulmiye muj muuse Biixi Cabdi Ahna Musharaxa Madaxwayne Ee
Xisbul Xaakimka Talada Dalka Haya Ee Kulmiye lagu jabin lahaa Loguna Horseedi Laha Guul daro Gobolka Uga Soo Hooyata
Waa Qalinkii Aadan Maxame xaaji Aadan (Adanwali)