Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Dabaylaha Watay Ee Ka Da’ay Magaalada Hargeysa.

Waxaana wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland oo ka hadlay khasaaraha uu gaystay roobkaasi uu sheegay tirada dhimashada oo ah 3 ruux halka y 19 kalena ku dhaawacmeen,kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa.

Wasiirka oo ka hadlaya arinkaasi aya waxa uu yidhi.

” Galabta afur ku dhawaadkii waxaa magaalada Hargeysa ka da,ay roobab duufano  lahaa oo geystay khasaare naf iyo maalba ba leh waxaana  ilaa hada aanu heynaa  hadii aanu wasaarada caafimaadka dadka wax ku yeeloobay 3 qof wey ku dhinteen  waxaana ku dhaawacmey 19 qof wasaarada cifimaadku waxaa ay ku jirtaa heegan buuxa”  ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Si kasteba ha ahate roobkan shalay galinkii danbe ka da’ay magaalada hargeysa aya ahaa roob aan noociisa hore loo arag waxaana uu watay dabalyo iyo calaydh sababay inay dumaan guryihiin soona jajabaan tiirarki laydha kuwaasi oo waxyeelooyin gaystay.