Biriij Ku Yaal istanbul oo Loogu Magac Daray Dadkii Ku Dhintay Inqilaabkii Dhicisoobay ee Turkiga

Ra’iisal-wasaaraha Turkiga Mr. Binali Yildrim, ayaa sheegay in magaca laga beddelayo biriishka ku yaal magaalada Istanbul oo la yidhaa Boporus Bridge, loona bixinayo Biriijka Mujaahidiintii (July 15th Martrys’ Bridge), iyadoo loogu magac daray dadkii ku dhintay inqilaabkii fashilmay.

Biriishkan ayaa noqonaya mid isku xidha dalka Turkiga, qaaradaha Eeshiya iyo Yurub, kaasoo ay xidheen ciidankii doonayey inay afgambi ku qabsadaan xukunka, waxana go’aanka magaca lagaga beddelay biriijka lagu ansixiyey shir Golaha Wasiirrada xukuumadda Madaxweyne Erdogan yeesheen Isniintii toddobaadkan.

Waxa uu sheegay Ra’iisal-wasaare Binali in biriishkan loo hibeeyey dadkii naftooda ku waayey ka hortaga afgambigaas, gaar ahaan kuwii biriishka ku qudh baxay ee rabshadihii afgambiga ka dhashay sababeen dhimashadooda.

Afgambigii dhicisoobay ee 15 July, waxa ku geeriyooday 290 qof oo u badan ciidammada u daacadda ahaa dawladda iyo dad shacab ah, gaar ahaan waxa aad loo xusay dadka ku dhintay biriishka la yidhaa Bosporus oo caan ka ah dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbul iyo dunida inteeda kaleba.