CIIDAMADA WADANKA UGANDA OO GUDAHA U GALAY WADANKA KOONFURTA SUUDAAN IYO SABABTA KEENTAY

Militariga Uganda oo wata in ka badan 50 gaadiid, ayaa gudaha u galay dalka Koonfurta Suudaan, si ay u soo samata bixiyaan muwaadiniin reer Uganda ah oo ku xaniban Magaalada Caasimadda ah ee Juba.

Afhayeenka Ciidanka Militariga Uganda, Paddy Ankunda, ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in muwaadiniintoodu ku sugan Magaalada Juba ay ku go’doomeen dagaalada ka dhacay Magaaladaasi.
Afhayeenka, ayaa tilmaamay in Ciidanka Uganda ay u galeen dalkaasi oo keliya, sidii ay u soo samata bixin lahaayen muwaadiniintooda ku xaniban Magaalada Juba, sida uu yiri.

Paddy Ankunda, ayaa waxaa uu meesha ka saaray in Uganda ay fara-gelin militari

ku samaynayso dalka ay ka soo cusboonaadeen dagaalada sokeeye.