Culimadda Waawayn Ee Somaliland Oo Bulshada Faray In Ay U Diyaar Garoobaan Xajka,Farayna Inuu Sanadkan Qofkastaa Si Wayn Uga Qayb Qaato.

Hargeisa(GNN):-Culimada waawayn ee Somaliland ayaa maanta shirjaraa’id oo ku qabteen magaalada hargaysa ku sheegay inuu taagan yahay wakhtigii la tagayay xajka ee lasoo gudanayay acmaasha wanaagsan ee ilaahay ina faray,waxaana ay tilmaameen in culimadda dalku sanadkan ay ku midoobeen Xamladda Wafdu Raxmaan Ee Xajka Iyo Cumrada.

Culimaddan ayaa sheegay in diyaariyeen sheekhyadii dadka soo xajaya ka xaynayay kuwaas oo gaynaya goobaha barakaysan ee Nabi Maxamed NNKH Uu Lugihiisa ku maray tusayana Acmaasha wanaagsan ee goobtaas barakaysan looga baahan yahay inuu qofku sameeyo,waxaana ay Xamladda Wafdu Raxmaan Ee Xajka Iyo Cumrada tilmaamay in Xil wayn iska saari doonto inuu qofku acmaasha xajka dhamaan soowada guto.

Sheekhyadan ayaa tilmaamay in qofkasta oo islaam ah haystana lacagtii uu ku bixi lahaa inaanu dib isku dhiganin kana faa’idaysto wakhtiyada uu xooga leeyahay ee acmaasha fushan karo,iyaga oo cadeeyay in dadka waawayn ee jilicsan ay u sameyeen dadka u soo xaja.