Daawo: Dadweynaha Reer Gabiley Oo La Dhacay Khudbad Wacdi iyo Waano ah Oo Uu Salaadii Ciida Ujeediyay Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale

Gabiley(GNN) Cabdicasiis Maxamed Samaale Waxa Uu Khdbad Diini ah Ujeediyay Kumanaan Kamid ah Shacbiga Gabiley Iyo Khdbadii S.Duhur Ee Wajaale

Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Gabiley khudbad Wacdi diiniya iyo khudbad taf dheer oo Waano iyo Duco isku lamaan ah taas oo markii salaada Ciidal/fidrigu
dhamaatey ay qeybo badan oo kamid ah Madaxdhaqameedka Salaadiinta dhalinyarada iyo Qeybaha Bulshaduba salaan ku waajaheen taas oo of waliba u sheegayay in aan Wasiir ka dambeeyay so marin Gobolka Gabiley,
Waxaanu booqdey Cusbitaaka Dhimirka Gabiley iyo Cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley, isagoo Salaadii Duhurna Kula Tukadey Masjid Jaamaca Tog-Wajaale Dadwynaha Reer Wajaale oo uu iyagana ujeediyay Khudbad Diiniya oo dhegta aad loogu raariciyay.

salaadii ciida ok saxdiiiiii

Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa shaley siweyn uga duwanaa kala soo Qeyb galka uu Salaada Ciidal/Fidriga kala soo Qeybgaley Shacbiga iyo Bulshada Gabiley

MR SAMAALE CIIDA GABILEY
kala soo qeybgalkii Wasiro Xukuumo katirsan oo khudbadahooda dadku ka dareereen taas, oo muujinaysay in ay Dadweynaha Reer Gabiley ka muuqatey ahmiyada ay u hayeen
Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo mudadii uu Xukuumada kujirey Reer Gabiley waxtar badan oo dhinaca Hrumarka Gobolka ah kala kulmeen,taas oo ay ka waayeen
fursadiisii iyo kaalintiisii markii uu ka baxey Golaha Xukuumada iyo waliba doorka fadhiidka ah ee Wasiirada Gobolka kasoo jeedaa kuyihiin Xukuumada iyo Shacbigaba.

Waxaanay Reer Gabiley ka dareemeen Samaale in aanay habayaraatee waxba iska badelin kalgaceylkii uu u qabey Shacbiga Gabiley iyo sidii uu Munaasibadahan oo kale ugala soo qeyb gali jirey Salaada Ciida mudadii uu ka tagey
Xukumada iyado arintaasi cadeyneysa in uu yahey nin Shacbiga iyo Gobolkaba daneynaya ilaa iyo maanta halka
Wasiirada kale khudbadahooda iyo socdaaladoodu u muuqdaan mar walba kuwa ah halagaa sheego balse aan shacbi iyo Gobol midna daneynayn, ee in Madaxtooyada warka laga gaadhsiyo ku kooban,waxaana layaab aheyd khudbadii Wasiir Cadaani ee laga dareeray.