Daawo:-Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo Cambaareeyay dilkii loo geystay xalay 4 askari oo biliiska oo dalkaa ka tirsanaa.

Washinton(GNN):- Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa cambaareeyay dilkii loo geystay xalay 4 askari oo biliiska oo dalkaa ka tirsanaa.

Obama wuxuu sidoo kale cambaareeyay dilal boolisku u geysteen dad madow dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay. Shalay ayaa ugu dambeysay oo Minnesota lagu dilay nin madow ah.

Gaadhigiisa ayaa boolisku joojiyeen dabadeedna mid ka mid ah biliiska ayaa toogasho ku dilay.

Barack Obama

Dad loo maleeyay inay arinkaa boolisku ku kacay ka cadheysan yihiin ayaa isla xalay 4 ta askari ku dilay gobolka Texas Dallas.

Obama ayaa sidoo kale tacsi u diray askarta la dilay eheladoodii.

Doraad nin kale oo madow aha ayaa lagu dilay qeyb kale oo isla Mareykanka ah ayadoo boolisku si badheedh ah u toogteen.

Dibadbaxyo arinkaa dilalka boolisku dadka madow ku hayo looga soo horjeedo ayaa meelo badan oo dalkaa ah ka dhacay.

In dhawaaleba waxaa socotay arin soo korortay dalkaas Mareykanka oo askartu iska leyneyso dadka madow arinkaasoo caro iyo walaac badan ka dhex dhaliyay dadka madow.

Soomaalida Minnesota oo ah halka ay Soomaalidu ugu badan yihiin ninka madowna shalay lagu dilay ayaa walaac badan iyo walwal haatan ay lasoo darseen maadaama boolisku inta dadka madow ay joojiyaan ay iska toogtaan oo haatan ka hor xataa waxaa la sheegay in wiil Soomaali ah sidaa oo kale boolisku u toogteen.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan