DAAWO SAWIRADA Dawlada Giriiga Oo Si Xun U Bahdishay Askartii Turkiga ee u Baxsatay Dalkooda Ka Dib Markii Ay Ku Fashilmeen Inqilaabkii.

Dowladda Gariiga, ayaa waxay si xun u bahdishay sideed ka mid ah Saraakiisha Militariga Turkiga, oo Sabtidii ka baxsaday Turkiga, ka dib markii uu fashilmay afgambigii lagu doonaayay in xilka looga tuuro Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Saraakiishaan oo ku lug lahaa afgambiga dhicisoobay, ayaa iyagoo la baxsaday diyaarad helicopter ahayd ka degay Magaalada Xuduuda ku taala ee Alexandroupoli, waxaana ay Gariiga weydiisteen in magangelyo uu siiyo.

Madaxweyne Erdoğan oo Axadii ay khadka teleefanka ku wada hadleen Ra’iisal Wasaaraha Gariiga, Alexis Tsipras, ayaa waxaa uu ugu baaqay in muddo 10 illaa 15 cisho loogu soo gacangeliyo Saraakiishaasi.

Dowladda Gariiga oo ka cago jiiday in ay magangelyo siiso Saraakiishaasi, ayaa waxay Axadii iyo Isniintiiba ay soo taagtey Maxkamad ku taala Magaalada Alexandroupoli, iyadoo uu Xafiiska Xeer Ilaalintuna ku soo oogay dacwad ah in sifo aan sharci ahayn ay ku soo galeen dalkaasi.

Gariiga oo Saraakiishaan ka dhigay labiskii askarta, ayaa iyagoo xiran dharka shibilka horkeenay Maxkamadaan. Waxaana qaarkood la siiyay dhar ay wejiyada ku qarsadaan, markii ay codsadeen, si aanay muuqaalo uga qaadin Suxufiyiinta.

Qaadiga Maxkamadda, ayaa Isniintii amray in xabsiga lagu sii haayo Saraakiishaasi, maalinta Khamiistana la xukumi doono.

Qareenka difaacaaya Saraakiishaan oo lagu magacaabo Lia Marinaki, ayaa waxay sheegtay in Saraakiishu ay jeclaan laheyd inay qaxooti ku ahaato Gariiga, bedelkii lagu celin lahaa Turkiga. Sababtuna ay tahay iyagoo ka baqdin qaba in la dilo.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Gariiga, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xukuumadda Athens ay bilowday qorshihii Saraakiisha loogu celin lahaa Turkiga.

Ra’iisal Wasaare Alexis Tsipras, ayaa shacabka iyo Dowladda Turkiga ugu hambalyeeyay fashilka ay fashiliyeen duulaankii lagu soo qaaday dimoqraadiyadda dalkooda, sida uu yiri.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim, ayaa Xukuumadda Athens kaga mahadceliyay taageerada ay u muujisay Xukuumadda Ankara.

Saraakiishan, ayaa kan ugu sareeya waxay darajadiisa tahay Korneyl, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu.

Alexandroupoli

Alexandroupoli1

Alexandroupoli2

Alexandroupoli3

Alexandroupoli4

Alexandroupoli5

Turkish officers escorted by Greek police officers leave the courthouse of Alexandroupoli after appearing before a Greek prosecutor, on July 17, 2016. Eight Turkish military personnel who fled Greece by helicopter after July 15 failed coup took no part in the putsch, their lawyer said, although a Greek government spokeswoman contradicted their account. The eight, who have claimed asylum in Greece, arrived by military helicopter on July 16, 2016 after sending a distress signal to authorities at the airport in northern Alexandroupoli. / AFP PHOTO / SAKIS MITROLIDIS

Alexandroupoli7

Alexandroupoli8

Alexandroupoli9

Alexandroupoli91

Alexandroupoli92

GNET