DAAWO SAWIRADA Sida Magaalada Hargeysa Loogu Diyaar Garoobayo Ciida Soonfur Ee Maalmaha Fooda Inagu Haysa.

Waxan Booqasho ku tagney suuqa weyn ee Waaheen oo ku dhexyaala bartamaha magalada Hargaysa, halkaasoo ay si ballaadhan uga addeegayeen dadwayne isagu jira ragg,dumar iyo carruur.

ciidanka ammaanka ayaa dhinac kasta suuqa ka jooga, kuwaasoo ilaalinaya ammaanka dadka iyo suuqa-ba, sidoo kale waddooninka soo gala iyo kuwa hareeraha ka mara suuqa ayaa waxaa la soo dhoobay gaadiidka dab-damiska kuwwaasoo heegan u ah inay ka hor tagaan dab kasta oo suuqa iyo goobaha kale ee ganacsi ka kaca.

Qaar ka mid ah dadka suuqa ka addeeganayay oo la hadlay Gabiley News ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin inay halkan usoo addeeg doontaan, waxayna sheegen in ay tani u saamaxday ammaanka iyo kala denbeynta ka jirta Somaliland.

Xilliga habeenkii dhalinyaradda ayaa ku caweysa goobaha la isigu yimaado kuwaasoo markaad aragto aad u camiran, waxaa maalmihii lasoo dhaafay magalada Hargaysa soo gaadhayay qurba-joog u dhalatay Somaliland oo doonaya inay farxada maalmaha ciida la qaataan dadkooda dalka ku nool.
1

2

3

4

6

7

8

10

12

13

16

17

Log11