Dalku Waxa uu Maanta Marayaa Xiligii Madaxwayne Axmed Siilaanyo oDhan Jiray Hadii Doorashada Xiligeeda La Qaban Waayo Hala sameeyo Ama Hala Dhiso Dawlad Wadaag..WQ Axmed- isha

Tan Iyo Markii Xukuumada Talada Dalka Haysa ee uu Hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Waxaad Moodaa in Xagal Daac Ku Yimid Nidaamka Hanaanka Xisbiyada Badan ee Doorashada oo aad Moodo inuu Meesha Ka Baxay Xukuumada Hada Talada Haysa Hal Doorasho Ayay Qabatay Doorashadaasi oo Dalka Halis Badan Galisay ayuu Dad Waynuhu Ka Rajo Dhigeen inay Qaban Karto Doorasho Dadwaynuhu Ay Ku Mahadiyaan

Hadaba Aniga oo Ujeedada Maqaalkaygan Dul Joogsanaya Ayaa Dhawaanahan War Bahinta Maxaliga Ah Ku Soo Noq Noqonaya In Xukuumadu Wado Qorshe Mudo Kordhineed iyadoo Wakhti Xaadirkani Aanay Jirin Xaalad Loo Cugsankaro Mudo Kordhinta iydoo Wakhtigani Dalka Aanay Ka Jirin Xaalad Abuur Ama Mid Colaadeed Toona .

Hadaba Dadka Inta Badan Ka Faalooda Xalada Siyaasada Dalka Ayaa Qaba In Maanta Dalka Somaliland oo uu Ku iibSami Karo Doorasho Xor iyo Xalaal Ah Hadii Dalka Ay Ka Dhacdo Hadii Kale uu Galikaro Xaalad Mugdi ah

Waxaan Fariin u Dirayaa Sadexda Xisbi Qaran oo aan Leeyahay Shacabka Reer Somaliland Ha Kaga Ridina Muran iyo Wax Kale oo Aaan Macno ugu Fadhiyin Balse Ta Kaliya ee uu Dalku Ku Bad Baadayaa uu Yahay in Doorasho Wakhtigeeda Ku Dhacda
Hadii Rajada Kaliya ee Dadwaynuhu Ka Qabaan Doorasho Meesha Ka Baxdo uu Dalku u Gacan Gali Doonaa Ayax Ku Habsada Dalka taasi oo u Baahan inay Tahy Wax Kaliya ee Lagaga Bixidoonaa inay Tahay Doorasho Dag Daga oo Dalka Ka Dhacda .

Guntii iyo Gabo Gabadii Xukumada Jirtaa Hadii Dalka ay Dorasho Ka Qaban Waydo oo ay Ku Fashilanto Dalka Waxa Dalka Samota Bixinkara Dawlad Wadaag oo Lasoo Dhigo Si Dalka Ay u Gaadhsiiso Doorasho Xor iyo Xalaal Ah oo Ay Soo Dhisaan Sadexda Xisbi Qaran Madaama Xukumadani Kalsooni Badan aan Lagu Qabin inay Doorasho Qaban Karto.

Dalkuna Wax uu Maanta Marayaa Xiligii Madxwayne Axmed Siilaanyo oDhan Jiray Hadii Doorashada Xiligeeda La Qaban Waa in Lasameeyo Ama La Dhiso Dawlad Wadaag Si Dalka ay u Gaadhsiiyaan Doorasho Xor iyo Xalaal Ah .
Wakhtigii Doorashada Madxtooyadu Dhacday Bishii Kala Guurka Ahayd Madaxwayne Siilaanyo Wax uu Magacaabay Guddi Xiligaasi ilaalisa Hantida Qaranka Markaa Waxaan Leeyahay Madxwayne Axmed Siiraanyo Mudane Madaxwayne Maanta Waxa Ku Horyaala inaad Magacowdo inta Doorasho Dhacayso Gudi Ilaalisa Hantida Qaranka.

 

W/Q Axmed Maxamed Bookh (isha)