Darajadaan Geeska DHeernahay Mudaan Danbarkeeda Maalnee, Tolaw Miyey Damal Tahay Mise Wey Dagen Tahay. W/Q: C/Raxmaan Sayid Faarax (Jeesto) Qaybtii 1aad.

Qoobadaan Ku Nool Nahay Buqcadaa Yar Ee Irmaan Ilhaamka Rabbiyo Ku Socota Nimaadyadaa Mawluhu Ugu Talagaley Ayaa Waxa Ku Duugan Macnoyaal Fara Badan, Darajooyin Qiima Leh, Sooyaal Mucjiso Ah, Taamilooyin Wax Ku Qaadasho Mudan, Tiirar Adag Iyo Tubaha Lagaga Badbaado Maalmahay Tuludu Weecato, Qiimaha Is Maqalka, Wada Tashi Midho DHalkii, Iyo DHamaan Waxyaabo Kaloo Aad U Qiimo Badan.

13874546_858452700955299_606942152_n

Ayey Laabtaydu Dihatey Inaan Culuunta Iyo Cibaarooyinka Ku Jira Aan Ku DHiinijiyo Dawaada Isla Markaana Ay Mustaqbalka DHaw Iyo Ka Fogba U Noqoto DHaxal Amaba Sooyaal Aynu Ku Faano Oo Fucaada Iyo Jiilasha Kala Danbeeyaa Ay U Gartaan Qiimaha Ama Milgaha Taariikhdooda Ooney Is Garanwaayin, Maadama Marka Ay Umadi Dooneyso Iney Is Ogaato Waxay Tahay ( Lab ka) Ay Isu Baadhaysaa Waa Sooyaalkeedii.

Ku Darsoo Waxaynu Nahay Umad Ahaan Umad Hodana Oo Qaniya Ilaahey (SWT) Ku Maneystay Hibooyin Badan Oo Manfac Iyo Macnoba Ay Ku Dheehan Yihiin, Sidaa Awgeed Waxa Lagama Maarmaan Ah Inaan La Jaanqaadno Dunida Oo Aan Samaysano Kayd Laynoogu Soo Hagaago Umad Ahaan Iyo Jiritaankeenaba, Waxyaabaha Casrigan Laysu DHaafey Bay Rukni Muhiima Ka Ciyaartaa Taariikhdu.

Yadoo Ay Jirto Xaqiiqooyin Badan Oo Laga DHeehan Karo Macnaha Sooyaalku U Leeyahay Dalalka Iyo Halkuu Kaga Jiro Darajo Ahaan, Hadaba Waxa Xusid Mudan Inaan Is Xasuusino Xilka Inaga Saaran Inaan Ugu Gurmano Bulshadeena Dawaada Ama Qalinka Maadama Ay Nahay Umadaha La Yidhaahdo Bulsho Afeedyo (Oral Socaity), Waa Ineynu Faa,iidayno Oon Raandhiis Yar Reebno.

Guniyo Gunaanadka Ararta Waxaan Ku DHaafi Lahaa Ibo-furka Qoraaladan Taxana Ahi Waxay Jaleeci Doonaan Mucjisooyinka Iyo Darajooyinkii Inaga Duugnaa Sida Aynu Uga Faa,iideysaney Iyo Sida Aynaan Uga Faa,iideysan, Waxa Kaloo Yadna Xuseynaa Bal Heer Noocee Ah Ayaynu Taagan Nahay Mid Midho DHalaya Iyo Mise Mid Dhicisa.

DHinaca Dawladnimada Iyo Nidaamyada Kala Duwan Ee Lagu Qiimeeyo Horumarka, Dib U Socodka Amabase Maxaa Wacey Darajooyinka Aan Gaadhey, Iyo Waliba Kuwa Aynaan Gaadhin Ee Heerarkeena Ka DHiman, Waxyaabaha Macquulka Ah Ee Ku Jira Xayndaabka Raandhiiska Isla Markaana Lagu Rayey.

La Soco……………..
W/Q: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)
Diplomatic Annalysts
Gabiley:Somaliland