DHALINTU LABA WAA IYAMAA, MA DHALAN HABAWSAN MISE DHALAN GARAWSAN ? QAYBTII: 1AAD

Waxaan Doorbidey Inaan Bulsho Ahaan Iyo Cilmi Ahaanba Aan Is Yara Dul Taago DHalinyarada Soomaalida Oo Aad Moodo Iney DHaliilo Fara Badan Oo Nololeed Iyo Kuwa Dhaqan-dhaqaaleba Ay Dul Hoganayaan, Inkastooy Muhiim Tahay Maxaa Loo Doorbidayaa Ka Hadalka Iyo Falanqeynta DHalinyarada, Adigoon Meel Kaleba U Doonin Jawaabteeda Miyaaney DHalinyaradu Ahayn DHismaha Umadeed, Laf DHabarta Qaran, Awood SHacbi, Mustaqbal La Hubo Xiligooda, Mishiin DHaqaajiya Muhiimada Daleed, Isku Soo Wada Duubo Waa Rukni Raandhiis Lehoo Bulsheed.

In La Fahmo Iney Culayskaa Leeyihiin Ayaa Muhiima Waxaaney Dan Iyo Darajaba U Tahay Hadba Umada Ay Khuseyso , DHalinyarada Laf Ahaanteeda Waxa Mudan Yaguna Iney Ogaadeen Bulshada Saameynta Ay Ku Leeyihiin

Ama Doorka Ay Ka Ciyaari Karaan Xaga Darajada, Walaw Ay Umad Walba Ay Ku Xidhan Tahay Aragtideeda Iyo Waxyaabaha Ay Aaminsan Xaga DHaqanka, Caadooyinka, Qiimeynta, Sooyaalka, Iyo DHamaan Wixii La Xidhiidha Sooyaalkoodii Hore.
Bacda Arar Iyo Ibafurka Qoraalka Mawduuceeno Ah DHalinyarada Iyo Xaalkeeda Guud Ee Ku Tacaluqa Nolosha Soomaalida Maadaama Aynu Umad Soomaaliyeed Nahay Waxa Mucda Aan Is Dul Taageynaa Noqonaysaa Umad Soomaaliyeed DHalinyaro Sidee Ah Bey U Baahan Tahay Maxayse Kaga Duwanaan Karaaan Umadaha Kale Ileyn Waxba Isugu Ma Keen Jiraan Waxaan Ahayn Umad Muslim Ah.

Sida Aynu Uga Duwan Yahay Hab-dhaqanka Iyo Aasaarta Inoo Goonidaa Ayeynu Uga Duwan Nahay Umadaha Kale Xulashada DHalinyaradeena Iyo Nooca Ay Noqonayaana Waa Aynu Ugu Duwan Nahay, Waxaynu Ku Salayneynaa Dhalinyaradeenu Iney Noqdaan Kuwa Ina Anfaca Marka Laga Eegayo Qodabadeena Aan U Cuskanayo, Hadaba DHalinyarada Aynu U Baahan Nahay Waxay Noqonaysaa Kuwa Karti Leh, Aragtidoodu DHeer Tahay , Waaqaca Iyo Waayaha Si Fiican U La Socda, Han Leh Ama Damac Wax Rida.

Kuwa Damiir Xalan Oo Sooyaalka Dalkooda Iyo Dadkooda Haya Waayo Tani Waxay Ka Qayb Qaadaneysaa Isla Markaana Dawo U Noqonaysaa DHalinyarta Nooca La Doonayo Oo Kuwa Garwaaqsan Sooyaalkooda Iyo Jiritaankooda Umad Ahaaneed, Dhanka Kale Hadeynu Ka Duulayno Xaga Horumarinta Iyo Waaqacan Aasaarta Looga Fadhiyo Ma Waxay Noqonayaan Fadhiid Mise Kuwa Lagu Faano Oo Wax Soo Kordhiya, Badiyaa Waxa Loo Tirinayaa Hangaruurufnimada Dhalinta Soomaaliyeed Iney San Jirin Wax Kayda Ama Meel Ay Ugu Soo Hagaagaan Si Xal Loogu Dhibaatooyinka Hawl-gabnimo Ee Dhalinyarada Dul Hoganaya Tolaw Hadaba Yaa Masuuliyadan Xanbaaraya Oo Waafajinaya Sida Loo Baahan Yahay Arimahan Iyo Falanqaynta Qaar Kaloo Fara Badan Aan Kala Wada Socono Qormooyinka Soo Socda

La Soco………….

W/Q:C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalysts

Gabiley:S/land

*********************************************************************

Gabileynew marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga