Dhaq-dhaqaaqa Iyo Isticmaalka Adeega Shirkada Somtel Oo Ku Xoogaysatay Magaalada Gabiley.

Gabiley(GNN)-Dhaq-dhaqaaqa iyo isticmaalka Adeegyada kala duwan ee ay bixiso Shirkada Isgaadhsiinta Somtel dhinacyada ku hadalka Mobilka iyo Isticmaalka Internetka 4G iyo 3G ayaa si xawli ah uga socda Mudooyinkan danbe Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

 

Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Gabiley, oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa indhawaalaba xooga saaray Isticmaalka Adeegyada kala duwan ee Shirkada Somtel, iyaga oo ku doorbidaya sida ay Shirkada Somtel ugu fududaysay Isticmaalka biribaydhka ee ku shubashada Mobilka gacanta ee lagu hadlo,islamrkana Lagu Helaayo Abaalmarin Kala Duwan iyo Adeega Internetka oo Noocyadiisa kala duwan oo Wireless ah, looguna geeyo Guryahooda, Xafiisyadooda, iyo guud ahaanba Goobaha Ganacsiga iyo Falashyada 4G IYO 3G oo Meel Walba Aad u Qaadan Karto Kuna Shaqaynaysa Xawaare Xaliya Kana Haqab Tiraysa Adeega Internetka.

 

“Boqolkiiba Sideed iyo Sagaashan ayaa isticmaala Xilligan Adeega Shirkada Somtel ee Isgaadhsiinta Magaalada Gabiley, sababta oo ah aad iyo aad ayay noogu fududaysay in Halkeeda Dollar ee ku shubashada Mobilka aanu ku wada hadli karno saacado badan oo aad muraadkaaga oo dhan kaga bogan karto, waana mid isdaba socota isticmaalkeedu in loo guuro maalinba maalinta ka danbaysa”. Sidaa waxa yidhi Eng Farax Maxmed Ibraahim .

 

waxa kale oo uu intaa ku daray in aan isticmaalkeedu ku xoogaysan oo kaliya Gabiley, haseyeeshee sidaa si lamid ah looga isticmaalo guud ahaanba Magaalooyinka iyo tuulooyinka Gobolku ka kooban yahay oo Iyaguna aad u isticmaala.

Shirkadan Somtel ayaa sidoo kale waxa Iyaguna si wayn u soo dhaweeyay Dhalin-yarada Rag iyo Dumarba oo ku sheegay in Shirkadani Somtel ay ka furatay Hawl ballaadhan oo ay dhalintu u baahnaayeen, taasi oo ay ku tilmaameen in ay u suurto-galisay in Adeega jaban ee Shirkadani ku bixisay ku shubashada Mobilka, Halka Doolarna ay uga faa’iidaystaan dhinacyada Waxbarashada Jaamacadaha iyo waxyaabaha muhiimka ah ee ay u baahan yihiin ee Isgaadhsiinta kaga xidhan.

 

“Wallaahi aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa Shirkada Somtel hadaanu nahay Ardayda Jaamacada Gabiley waxay noo fududaysay in aanu ku kala bogano Aqoon korodhsigayaga oo hadh iyo habeenba aanu Ardaydayadu gudahayaga iska waydiiyno kolba wixii tafaasiil u baahan, iyo Adeega Internetka oo aanu Isticmaalno”. Sidaana waxa yidhi c/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto) oo kamida Ardayda dhigata Jaamacada Timacade ee Magalada Gabiley

 

download

 

Maamulaha Shirkada Somtel ee Gabiley Maxamud Xaaji C/laahi Ismaaciil oo uga waramay Shabakada Wararka ee Gabiley.net Adeegyadooda kala duwan iyo sida ay kor ugu socoto isticmaalka Shirkada Somtel ayaa sheegay in ay Bulshadu adeegooda maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhayaan taas oo ay sabab u tahay in Shirkadu u fududaysay adeega iyo dhinaca qiimahaba.

 

 

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley ayaa  Maalmahani Danbe si wayn looga dareemaa isticmaalka Adeegyada kala duwan ee Shirkada Somtel, iyada oo aad qaybaha kala duwan ee Bulshada ku arkayso sida ay u isticmaalayaan Khadka isgaadhsiinta wada hadalka ee Shirkada Somtel, islamrkana ay Malin Kasta Ku Shubtaan biribaydhka somtel taas oo ay sabab u tahay inay Ka Qayb Galaan Barnaamujka Hadal oo Hel si ay ugu Guulaytaan Abaalmarinta Ay Bixinayso Shirkada Somtel.

 

 

 

C/rasaaq Axmed Hayaan ilkacase

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE