DIGNIIN: CARRUURTA KA ILAALI HURDO YARAANTA OO GOOR HORE HA SEEXDAAN HABEENKII

Khubaro ka tirsan Jaamacadda Houston ee dalka Maraykanka, ayaa cilmi-baadhis ay sameeyeen ku sheegay in hurdo la’aanta badan carruurta ku keento xaalado caafimaad-darro mustaqbalka dambe ee noloshooda.

Daraasaddu waxa ay tibaaxday in ubadka aan helin hurdo ku filan habeenkii ay ku dhacaan xannuunada maskaxda ee ay ka mid yihiin murugada oo ku bata iyo isku buuqa oo la soo darsa markay weynadaan, maadaama aanay yaraantoodii helin hurdo dheelli-tiran, waxayna khubaradu uga digeen waalidiinta in aanay hurdada ka ilaalin ubadka yaryar, balse ku dedaalaan inay xilli fiican seexiyaan habeenkii.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay badhitaan ku sameeyeen 50 carruur ah oo da’doodu u dhexayso 7 jir ilaa 11 jir, iyagoo si ku-meel-gaadh ah hurdada uga yara xannibay. Maxsuulka soo baxay waxa uu dibadda soo dhigay in ubadkaas hurdo la’aantu ku keentay astaamo taban oo dhinaca caaddifadda ah amma noqdeen qaar murugo iyo cadho badan. Tusaale ahaan; ubadku waxay noqdeen kuwo aan jeclaysan wax kasta oo wanaagsan, kadib markii laba habeen oo kaliya hurdado ku filan aanay helin, halka xusuusta lafteedu ku yaraatay oo maskaxdoodu hore u soo tuuri wayday shayada wanaagsan oo dhan.

Waxa cilmi-baadhayaashu sheegeen haddii aanay ubadku helin hurdo ku filan ay noqon karto xaalad noloshooda dambe ku soo baxda oo khatar badan ku yeelata.

“Hurdada caafimaadka leh waxa ay muhiim u tahay wanaagga maskax ahaaneed ee carruurta. Haddii hurdo yaraan ay la soo daristo amma hurdo ku filan aanay helin waxa ay ku keenaysaa aakhirka isku buuq iyo diiqad badan oo aakhirka maskaxdooda dhaawici karta, sidaa darteed waalidiintu waxay u baahan yihiin in ay ka fikiraan hurdada carruurta oo ah shay muhiim u ah caafimaadkooda, sida nafaqada, caafimaadka ilkaha iyo firfircoonida jidhkuba muhiim ugu yahay, haddii aad ilmahaaga ku aragto inuu hore u kici waayo amma maalintii uu lulo badan yeesho waxaad ogaataa in aannu helin hurdo ku filan aanu habeennimadii. Wax arrintan sabab u noqon kara xilli dambe oo uu seexdo, hurdo nasasho leh oo aannu helin amma waqtigii uu seexan jiray oo aannu seexan amma xannuun jira,” ayaa lagu yidhi daraasadda ay sameeyeen khubarada Jaamacadda Houston.