ERDOGAAN WAA HOGAAMIYE ADKAYSI BADAN MUTAYSTAYNA IN AY KU DAYDAAN MADAXDEENU SI AY HOGAAMINTOODU U WANAAGSANAATO ” Q/LABAAD

Erdogaan ma aha qof qaab jidh ahaan bani adaamka wax dheer, laakiin waa qof bani aadam ah oo dadaalay oo sida bani aadamka u dhashay oo hooyo iyo aabbo iska dhaleen oo madax badan oo adduunyada ku nool waxyaabo badan dheer sida, islaam jecaylka, muslimiin jacaylka, siyaasad wanaaga. kartida , wadaniyada, adkaysiga , dulqaadka, geesinimada, nacaybka reer galbeedka. waxaas oo dhan waa hibooyin uu illahay siiyey Erdogaan.
Waa madaxweynihii 12-aad ee Turkey. Muddadii u dhexeysay 1994 iyo 1998 waxa uu ahaa duqa magaalada Istanbul. 2003 ilaa 2014 waxa uu ahaa ra’iisulwasaarihii 36aad ee Turkiga.

Sanadkii 2001 Erdogan waxa uu aasaasay Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta AKP, kaas oo saddex

jeer oo is xiga ku guuleystay doorashooyinkii guud ee dalkaas ka dhacay sanadihii 2002,2007 iyo 2011.

2003-dii markii uu noqday Ra’iisulwasaaraha Turkiga, Erdogan waxa uu ka shaqeeyay in Turkigu gaaro degganaano Siyaasadeed,Dhaqaale iyo Ammaan. Waxa uu la heshiiyay Armenia ka dib cadowtooyo sanado badan soo jirtay, waxa xiriir la furay Giriigga,Azarbejan iyo jamhuuriyaadkii hore ee Soviet-ka.

Sanadkii 2010 dowladda Sacuudigu waxa ay Erdogan siisay abaal marinta caalamiga ah ee Boqor Feysal ee u adeegista islaamka.

2012-kii Turkigu waxa uu ku dhawaaqay in uu bixiyay dhammaan deymihii uu ku lahaa Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF). Erdogan waxa uu xilligaas yiri Turkey lacag dambe kama deynsan doonto IMF, balse IMF ayay deyn siin doontaa”.

Erdogaan in uu wadankiisa guul gaadhsiiyo waxa lagu soo koobi karaa qodobadan soo socda=
1. maamulka dadka oo uu si wanaagsan u maamulay oo cadaalad ah kana maqan tahay eex iyo cid jeclaysi .

2. macluumadka uu leeyahay turkigu oo siwanaagsan loo maamulay, sida ciidamada kala duwan ee turkigaoo aad loo dhisay, iyo sirraha uu turkigu leeyahay oo aad laa ilaaliyey.

3. dhaqaalaha oo si wanaagsan loo maamulay kuwaas oo ah in marka hore qorshe loo dajiyey dhaqaalaha turkiga, ilaha uu dhaqaaluhu ka imanaayo, sida loo maamulayo iyo xalka lagu bixinaayo .

markii la weydiiyey Erdogaan sidee ayaad musuqmaasuqii wadanka buuxay u tir tirteen wuxu ku jawaabey { kumaanu muquurin awood ciidan imaanka iyo akhlaaqda islaamka ayaa suurto galisay in aanu gabi ahaan meesha uu kabaxo.

W/Q Axmed Xuseen Ibraahin Lasoco qaybta 3aad

axmed <axmedbc@hotmail.com