FANAANKII WAYNAA EE SHAY MINE DACAR AYAA GOOR DHAWAYD MAGAALADA HARGAYSA KU GEERIYOODAY

Magaalada Hargeysa waxaa galabta ku geeriyooday Allaha u naxariistee fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Shay Mire Dacar.
Waxaa geerida fanaanka Shay Mire Dacar u xaqiijiyay BBC walaakiis Caabi Mire Dacar oo isna fanaan ah.
Wuxuu sheegay in mudaba uu xanuun u jiifay Shay Mire Dacar gurigiisa oo magaalada Hargeysa ku yaalla.
Shay Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada ceerigaabo sanadihii sideetameeyadii, kaddibna wuxuu u gudbay magaalada Boosaaso.
Intii danbe wuxuu ku noolaa Hargeysa oo uu heeso iyo bandhig faneedyo badan ku sameeyay oo qaarkood uu ilaa London kaga qayb galay todobaadka Soomaalida.
BBC-da