FANANKA CAANKA AH EE FARXAN XIDIG OO KU XIDHAN MAGALADA HARGAYSA IYO SABABTA LOO XIDHAY

Hargeysa(GNN)Fanaanka Farxaan Xidig, ayaa ugu xidhan Magaalada Hargaysa arrimo la xidhiidha qadiyada Somaliland oo sida lagu soo eedeeyay uu falal ka dhan ah madax banaanida Somaliland uu ka abaabulay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal

Farxaan Xidig ayaa ku xidhan xarunta Danbi baadhista ee magaalada Hargaysa, waxaana la filaaya in Maxkamad la horkeeno. Farxaan Xidig ayaa aha Fanaan ku dhexjira Sugaanta wakhtiyadii u danbeeyayna wuxuu deganaa dalka Ingiriiska, lakiin sannadihii danbe ayaa siweyn loogu arkaayay dhaq dhaqaaqyo la xidhiidha dhinaca siyaasadda islamrkana uu Ka Soo Hor Jeestay Madx Banaanida Iyo Jiritaanka Somaliland.

Farxaan xidig ayaa hore ugu biirey dawlada xamar, markii uu fahmi waayey hawlaha xamar ka socdana ka baxey oo dib ugu soo noqdey somaliland.

Dhawaan ayey aheyd markii Mr Faxaan uu Hanjabaad Hawada u soo mariyey somaliland wacadna ku marey inuu burburin doono.

Farxaa ayaa wadey qorshe la mid kii fashilmey ee maleeshiyadii Wabar.

Gabiley.net