Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Kormeer Ku Soo Maray Goobaha Diiwaan-gelintu Ka Bilaabantey ee G.Sanaag + SAWIRO.

Kormeerkan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, xildhibbaan Rayte, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta iyo mas’uuliyiinta kale oo ka tirsan ee xisbiga WADDANI, waxaana halkaas ay dadkii safafka ugu jiray qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ay si diiran u soo dhaweeyeen guddoomiyaha iyo weftigiisa, iyaga oo ku qaabilay sacab iyo weliba hadalo kale oo ay ku soo dhaweynayaan weftiga WADDANI ee u socda hawlaha wacyi-gelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu intaa ka dib uu shaqaalahii ka shaqeynaayey goobaha diiwaan-gelinta uu ka xog-waraystay sida ay u socdaan hawlaha diiwaan-gelintu, waxyaabaha ka qabyada ah iyo weliba duruufaha ku gedaaman ee ay la kulmeen.

Weftiga SAMA-WADE ee uu hoggaaminaayo Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ee muddooyinkii dambe gobalka Sanaag u joogay wacyi-gelinta diiwaan-gelinta, ayaa la filayaa in ay socdaalkooda shaqo ay ugu sii socdaan deegaanada kale ee gobalka Sanaag ee ay ka socoto diiwaan-gelintu.

2 3 4 5 6 7 8G.NET