GUDOOMIYE CUSUB OO LOO MAGACAABAY GOBOLADA WASHINGTON DC, VIRGINIA AND MARYLAND.

Xubno ka mida hoggaanka Xisbiga WADDANI ee Washington DC, Virginia iyo Maryland iyo xubno ka socday jaaliyadda Somaliland ee Washington DC ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyey Guddoomiyaha Cusub ee Xisbiga WADDANI ee Washington, Virginia iyo Maryland Mudane Axmed Maxamed Cabdisamed “Axmed Qaadi” kaas oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay.

wadani3
Kulankan oo ahaa casho sharaf ayaa ahaa mid loogu talo galay in lagu soo dhoweeyo Guddoomiyaha cusub isla markaana lagu hambalyeeyo xilkan cusub ee loo magcaabay. Xubnihii jaaliyada ee casho sharafkan kasoo qayb galay waxay u balan qaadeen Gudoomiyaha cusub Axmed Qaadi inay la shaqayn doonaan.

Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga WADDANI u qaabilsanaanaya Washington DC, Virginia iyo Maryland mudane Axmed Maxamed Cabdisamed ayaa u mahadnaqay xubnaha kulankan soo abaabulay isaga oo sheegay inuu ka shaqayn doono danaha xisbiga uu metelayo iyo weliba guud ahaan isku xidhka bulshada Somaliland ee ku nool gobolladan.
Guddoomiyaha ayaa isagu sheegay inuu dardar gelin doono hawlaha shaqo ee xisbiga WADDANI, iyada oo lagu jiro xilli loo diyaargaroobayo doorashada madaxtinimada.

wadani1
Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee gobolladan Jamaal Daroor ayaa isna kulankaas ka qaybgalay wuxuuna soo dhoweeyey wakiilka cusub, Guddoomiyaha ayaa sheegay in jaaliyaddu ay u shaqayso danaha Somaliland isla markaana ay u siman tahay dhammaan xisbiyada kala duwan, ayna xisbiyada kala shaqaynayaan wixii khuseeya arrimaha Somaliland hase ahaatee ay ka fogaanayaan arrimaha siyaasadda wixii khuseeya. Waxaanuu halkaas hambalyo diiran ugu soo jeediyey Gudoomiye Axmed Qaadi.

Geba-gabadii waxaa kalmado kooban oo isugu jira duco iyo dardaaran u soo jeediyey Gudoomiyaha cusub odayaasha ku dhaqan ag-agaarka Washington DC.