Hadimooyinka Qarsoon iyo Ifafaalooyinka Mugdiga Qaran !Q:

Hadimooyinka caalamka maanta ama shalayba waxaa dawladaha waaweyn ama dalalka caalamkuba isha ku hayaan waxa ay yihiin kuwan
fjm(29).jpg
Hadimo waa erey somali ah oo micno ahaan ah dhibaato marku uu ereygu keli yahay marka wadar ahaan uu yahayna waa hadimooyin oo macno ahaan noqonaysa dhibaatooyin.

Afkeena hooyo waxaa uu ku sii siqayaa in uu sii baaba’ayo tani waa qayb ka mid ah arimaha aan ka faaloon doono, balse qaybaha ugu horeeya qoraalkaygan waxaa aan kaga hadli hadii uu Allah(swt) ogolaado in aan qoshahaygu u dhaco sidaan rajeynayo halisyada aan aaminsanahay in Somali ku soo wajahan tahay ama dhexdaba ugu jirto oo muuqda hadaba, balse ay nu dul maro hadimooyinka caalamiga ah ee isha caalamka lagu hayo.

Hadimooyinka caalamka maanta ama shalayba waxaa dawladaha waaweyn ama dalalka caalamkuba isha

ku hayaan waxa ay yihiin kuwan:

1- Biological Weapons: Hubka bayolojiga ee wax gumaada

2- Nukes: Hubka nukliyeerka ee khatartiisu aynu garan karno ama aynu maqalnay taariikh ahaan waxay geysteen.

3- Cyber-Attacks: Dhibaatooyinka weerarada internetka

4- Climate Change: Isbedelka Cimilada dunida

5- Transnational Crime: Dembiyada marxalada kala guurka

Kuwaas oo dhami waa hadimooyinka qarsoon ee qaran kasta oo caalamka ku dhaqani ka foojigan yahay oo isha ku hayo dhaqdhaqaaqa iyo cida ku hawlan ifafaahan khatarta badan, oo dawladaha ccalamku xooga saaraan uguna yeedhaan difaaca amaanka qaranka.

Waa hubaal oo dhibaatooyinka ka dhasha hadimooyinkani waa kuwo mudan in qaran kastaa ka foojignaado dhaqdhaqaaqa kuwa abuuraya burburka nolosha dadka iyo qaranimada dawlad kasta oo caalamkan ka mid ah.

Marka aan milicsado dhibaatoobinka qaran ee Somaliland ama Somaliya ee mudiga waxaa ka mid ah:

a- Halista Qaadka

b- Halista Qabyaalada

c- Halista Farsamada Casriga

d- Halista Debiyada abaabulan

e- Halista Dhulka degaanka magaalooyinka Waaweyn,tuulooyinka iyo dhul daaqsiyeedka

f- Halista Badeecooyinka iyo ganacsiga

Qodobadaasi lixda ee aan kor ku qoran ayaa rabaa in aan ka faaloodo inaga oo caalamka la qabna shanta qodob ee aan soo sheegay oo aha qodobo aas aasi ah balse lixdan qodob ee dambe waa kuwo ah laamo yar yar oo ka soo farcamey qodobada 1 ilaa 5.

La soco qaybta 2aad……………………………….

Waad Mahadsanidin dhamaantiin