HAL INAGA MAQAN

Guurku waa nolol noloshuna waa guur qofku marka uu mankiisu galo in uu ka baxo nolasha doobnimada ama gashaatinimada waxaa uu raadiyaa oo uu raadraceeya cidii uu nolol la wadaagi lahaa ee qancisa .

Maqalkaygan waxaan doonayaa in aan kaga hadlo labada qof ee nolasha wadaagaya sidiiay ugu wada noolaan lahayeen badhaadhe oo aan qoyskoodu u burburin oo u horseedin in la is furo.
Furayaasha raaxada qoyska

1, laba qof waa in ay raali iska yihiin ninku waa in gabadhiisa uu raali ka yahay gabadhuna ay ninkeeda raali ka tahay , tusaale ahaan hadii ay gabadhaadu aanay xariifad ku hayn cuntada oo ay xariifad ku tahay sariirta cuntada iska daa oo sariirta ku raali noqo, ha ka sheekaynin tu kale oo cunto aad ka soo cuntay oo cunto macaaneed si aanay u lumin raali ahaanshihii laba qof dhex yaalay, gabadhana waxaa laga rabaa in ay raali ka naqoto ninkeeda oo ay ugu dul qaadato meelaha uu ka liito tusaale ahaan waxa uu ku liita xagga maamulka qoyska oo marka uu guriga soo galo lama moodo in odaygii reerku joogo oo caruurta ka war hayntoodi iyo maamulkoodii ayuu ku liita waxaana uu ku fiican yahay dhinaca kale oo ah inuu yahay nin naxariis badan, haddii uu ninku gabadhiisa uu shay ka waayo waxa laga yaabaa in uu shay kale uu ka helo gabdhuna hadiii ay ninkeeda wax ka waydo waxa laga yaabaa in ay wax kale ka hesho.

2. kalsooni, waa in ay labada qof ee is qaba ay dhexdooda taala kalsooni kalsoonida labada qof ee is qaba waxa dhisa laba arinmood, ka koowaad waa in labada qof ee is qaba ee nolasha wadaagaya waa in xidhiidh joogto ah oo wanaagsan oon kala go, ahayn ta labaadna waa in ay meesha taalaa isku dul qaadasho.

Waxyaabaha kolsoonida labada qof dilaya wax aka mida ah in ninku marka ay gabdha in muddo ah is qabaan tusaale ahaan sannad iyo wixii ka badan uu weydiiyo su,aal odhanaysa anniga hortay nin ma jeclaatay? markaas ayaa laga yaaba in ay kugu jawaabto haa oo aad hadana ku tidhaahdo side ayuu ahaa ? markaas ayey kugu tidhaahdo nin fiican ayuu ahaa isla markiiba ninka hinaaso ayaa ku bilaabmayaa markaas ayuu is odhanayaa war yaahee ileen gabadha waa lagaaga soo horeeyey.
Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha dila kalsoonida laba qof ee is qabta in uuu ninku noqdo mid wax walba daba socda talaabo kasta oo ay gabdhiisu qaadayso ilaa raga qaarkood ku keento in uu ka shakiyo dhowrsanaanta gabdhiisa,
Waxa kale oo kobciya kalsoonida laba qof ee is qaba in ay gabadhu ka ilaaliso gurideeda in ay soo galaan raga uu nikeedu naceb yahay.

3 ixtiraam , ixtiraamka ay lammunuhu is ixtiraamayaan waxa sees u ah laba shay ninku waa in uu ictiraafo in ay gabadhiisu tahay qof weyn oo qiimo leh gabadhuna in ay ictiraafto in odaygeedu yahay nin tiir u ah, gabadhu waxa ya u baahan tahay waxa ay ku tiirsato ninkuna waxa uu u baahan yahay gogol uu ku raaxaysto, ta labaadna waa in la is qadariyo marka uu ninku gurigiisa joogo ee uu xaskiisa la hadlyo waa in uu ku la hadashid waxa ugu qaalisan ee iyadu jeceshahay in lagula hadlo tusaale ahaan haddii ay jeceshay in magaceeda loogu yeedho magaceeda ugu yeedh haddii ay jeceshay in magaca aabaheed loogu daro ugu dar oo gu yeedh hadii ay jeceshay in loogu yeedho indhahaygiyee ugu yeedh hadii ay jeceshahay in loogu yeedho qalbigaygiyee ugu yeeedh, gabdhuna waa In sidaas si lamid ah ugu yeedho waxa uu ninkeedu jecel yahay in loogu yeedho.

4. is fahan, waa in labada qof ee is qaba ay iska fahmaan Shan arrinmood ta kowaad xagga fikirka tusaale ahaan laba qof ee is qaba midkood uu doonayo in shareecada islaamka guriga lagu maamulo kan kalana waxa uu doonayaa wax kale in lagu socdo,
Ka labaad waa in la is lafahan san yahay xagga dhaqaalaha guriga soogala sida loo maamuli lahaa hadii cid qaraabada kamid ah wax la siinayo sidii looga wada tashan lahaa. Ta sadeaxaad I la si la waafaqo cidii iyaga ka baxsan sida loola dhaq mayo, ta afaaad in la is ka waafaqsan yahay xagga tarbiyada caruurta ta shanaad na waa in la iska fahan san yahay xagga sariirta ninka maxaa looga baahan yahay xilliga sariirta? gabdhana maxaa looga baahan yahay xilliga sariirta?
Waxaan ku soo gaba gabeenayaa maqalkayga in raggaa iyo dumarka doonaya in ay guursadaan in ay shareecada islaamka la daraasadeeyo qaybta guurka si uu qoysku u jiro una sii nagaadaan

W/Q Axmed Xuseen Ibraahin

axmed <axmedbc@hotmail.com

*********************************************************************
Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga