Kooxda IS Oo Sheegatay Weerar Lagu Qaaday Baar Ku Yaal Magaalada Dhaka Dalka Bangladesh.

Dhaka(GNN):–Dabley hubeysan ayaa weerartay baar ku yaal meel ku dhow magaalada Dhaka ee caasimada dalka Bangladesh iyagoo ku afduubtay qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa baarkaas.
Qaar ka mid ah dadka la qafaashay ayaa ah dad ajaaniib ah iyadoo kooxda weerartay baarka ay dileen labo kamid ah ilaalada baarka halka ay dhaawaceen shan kale. Wararka ayaa sheegaya in lix ka mid ah dadka la afduubtay ay ka soo jeedaan dalka Talyaaniga.dhaka1
Ururka Islaamiga ah ee IS ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerarkan iyadoo bogga taageera ururkan ee Amaq lagu shaaciyay sheegashada ururka.
Qoraal ay soo dhigeen boggan ururka IS ayaa lagu sheegay in maleeshiyaad ka mid ah ururkaas ay gudaha u galeen baar ay ku sugnaayeen dad ajaaniib ah ayna ku dileen labaatan ruux oo dhalashadoodu kala duwan tahay, hase yeeshee ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada.
Laamaha ammaanka dalka Bangladesh ayaa sheegay in ay wadaan waanwaan ay ku doonayaan in dableyda ay sii deyso dadka ay qafaasheen.
“Waxaan dooneynaa in aan arrintan si nabad ah ku xalino waxaan isku dayaynaa inaan la hadalno dableyda dadka qafaalatay,”ayuu yiri Benazi Ahmed oo madax ka ah ciidamada gurmadka deg-dega.
“Muhiimadeenu waa inaan badbaadino nolosha dadka gudaha ku xayiran.”ayuu sii raaciyay.
Booliska ayaa sheegay in dabley hubeysan ay gudaha u galeen ArtisanBakery Café ayna rasaas ku fureen. Baarkan ayaa la sheegay in ay isticmaalaan dadka aan u dhalan dalka Bangaladesh iyo diblumaasiyiin.
Dalka Bangladesh ayaan hore loogaga baran weerarada noocan oo kale ah hase yeeshee waxaa ka dhacayay bilihii la soo dhaafay dalkaas dilal qorsheysan.