KUMAAN AHAY?

Qofkastaa waa waajib inuu is aqoon sado ciduu yahay, sababtuu u nool yahay iyo sababta naftiisu ugu dhaxayso wanaag ama xumaan.
Qofkastaaba xagiisa wuu ka wanaagsan yahay
qofkastaaba dadka kale qaarkood ayaa la xun
way yar tahay qof isku aaminsan inuu yahay qof xun oo dadka dhiba, qofkastaaba wuxuu ku qanacsan yahay nolosha uu haysto iyo qaabka uu yahay, waxaanu isu arkaa inuu saxsan yahay, dadkana ugu wanaagsan yahay.
Waa muhiim qofku inuu naftiisa aqoonsado se waxa loo baahan yahay in qofkastaaba naftiisa saaro miisaanka nolosha ee ah

Kumaan ahay
Maxaan u noolahay
Maxaa iga maqan
Maxaan haystaa
Maxaan ku wanaagsan ahay
Maxaan ku xumahay

Qofkastaaba nolol ayuu haystaa, qofkastaaba nolosha heer ayuu kaga jiraa, qofkastaba waxbaa ka maqan, ma jiro qof dunida dhamaystirani, mana jiro qof xumi ilaa isagu is xumeeyo oo naftiisa baabiiyo.
Dadku waa sadex
Qof wanaagsan oo la mahadiyo
Qof dhexe oo dadka la nool
Qof xumaan lagu sheego.
Dadku kala duwan
—————————-
qofbaa wanaagsan oo isa sii wanaajiya
qofbaa iska caadiya oo noloshiisa kor u qaada
qofbaa xun oo xumaanta jecel
qofbaa xun laakin diyaar u ah inuu joojiyo dhaqankasta oo xun

Dadku laba qaab ayay leeyihiin
dadbaa korka ka qurux baddan hadal macaan, se gudihiisa iyo marka runta la gaadho dadka ugu ayaan daran , uguna hawl baddan.

Dadka qaar baa dhinackasta ka wanaagsan xaga sare (uurka )iyo xaga hoosaba (Wajiga).

dadka qaarbaa xun oo marka ay helaan dad nolosha ka caawiya dadkaba ugu wanaagsanaada.

Haddaba waxa jira dad baddan oo u baahan in nolosha laga caawiyo oo la hago, oo la dhiso oo noloshooda kor loo qaado, waxa qofkasta ku waajiba inuu qofkii uu u arko inuu hagaajin karo, inuu noloshiisa kor u qaadi karo inuu caawiyo oo heer gaadhsiiyo, isagoo ka bilaabay inuu wax barasho ka bixiyo, inuu ka joojiyo balwadaha ka duwan sidoo kale haddii uu leeyahay dhaqamo xun xun isna ka joojiyo.

Dadkaaga intaad wanaag ku hogaamin kartid ku hogaami, dadkaaga intaad wax u sheegi kartid wax u sheeg, dadkaaga intaad heer gaadhsiin kartid gaadhsii.

Nolosha ha ka quusan intaanay kaa quusan, naftu mar waa naftaadii , marna waa cadawgaagii, kolba halkii aad geysid ayuun bay u kacaysaa, Darawalkeedu waa adi, nafta indhaheedu waa adi, hogaamiyaheeduna waa adi.

Qofkastaaba naftiisa ayuu madaxweyne u yahay, qofkastaaba wuxuu maamulayaa dhamaan qaybaha naftiisa oo dhan sida waxay naftu rabto, waxay diidan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhiman, waxay hiigsanayso iyo xagay u soconaysaba.

Dhis noloshaada dhinackasta oo aad ka liidatid, dhis noloshaada oo ku kalsoonow naftaada inay dadka ka wanaagsan tahay, wax wanaagsana ay qabsan karto.

nolosha lagama quusto ilaa iyo intay kaa baxayso , ha quusan hana samrin ilaa iyo intaad halkaad rabtid gaadhaysid.
Naftaada ku abuur inay wax qabsan karto, shaqaysan karto, wax barran karto nolol wanaagsan hiigsan karto, dadka la dhaqmi karto dadka caawin karto , dadkana la kaashan karto waxkastoo wanaagsan.

Noqo qof Dadka wanaagooda jecel xumaantoodana ka talo bixiya
Noqo qof dadka baahan caawiya
Noqo qof dadka noloshooda dhisa, dadkana ilaaliya, ixtiraama, xaq dhawra, daryeela , la farxa lana murugooda.
Meelkastood ku sugan tahay muuji Ixtiraam, hadal wanaagsan, dhaqan wanaagsan, shaqo wanaagsan, niyad wanaagsan, farxad wanaagsan.
Qofkastana ku ixtiraam heerkiisa nololeed cidna ha u quus goyn, cidna ha ku tacadiyin.

Mahadnaqa Alle iyo camalka wanaagsan Sahay ka dhigo.

Farhan Mohamed Sultan (Rakad)

farxaanmxd@gmail.com
Social activists
Berbera

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga