La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha dhalinyarada najax Siyaad oo Bogaadin iyo Hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee xidhiidhka kubada cagta Somaliland

Hargaysa(GNN)La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha dhalinyarada najax Siyaad Aw Cabdi ayaa Bogaadin iyo Hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee xidhiidhka kubada cagta Somaliland oo maalintii shalay loo doortay innuu hogaamiyo Maxamed-aamiin Cabdi Cilmi.

Waxa uu sheegay in Maxamed-aamiin Cabdi Cilmi Dixood uu tacab badan geliyay shaqada iyo kor u qaadka xirfadda kubadda cagta, waxaan qabaa in Maxamed-aamiin Cabdi Cilmi uu yahay qof ku habboon jagaddan hogaaminta Xidhiidhka kubada cagta.

La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada Cabdinajax Siyaad waxa uu IIIaahay uga baryay guddoomiyaha cusub ee xidhiidhka kubada cagta innuu ku asturo xilkaas, isla markaanna waxa uu sheegay inuu karti iyo aqoon u leeyahay hawlaha xirfadda

kubadda cagta.

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha dhalinyarada Cabdinajax Siyaad waxa uu sheegay in doorashaddaasi ay xalaal u dhacday oo si wacan oo gobonimo leh isku doorteen dhalinyaraddaasi, waannan ku bogaadinnayaa dhammaantood kuwii guulaystay iyo kuwii laga guulaystayb