LAMA HURAAN WAA CAWS JIILAAL.

Salaama calaykum.wasiirka war faafinta waan ku hambalyaynaya, heshiiska bariga uu ka dhawaajiya.Soomaalidu waxay tidha,”lama huraan waa caws jiilaal.Nabadu maanta ummaddii la odhan-jiray soomaali,waxa uga fiican anigu ma garanayo.In badanina waa ila qabtaa.Wasiir caddani waxaad mooda,inuu meesha ku dhashay,sida u tuul-tuulo u magacaabay.Waxaan leeyahay wasiir,Waari mayside, war hakaa hadho.

Intaa maanta la qabtay,haddii faltan dhab ah la raaciyo,dhammaan ummadda soomaaliland,aqoonsiba uma baahna.Waxaa isna mahad xooga mudan,wasiirka biyaha muddane baashe cali,oo ka sokow heshiisyada,si tussaale noqonaysa,uga shaqeeyay biyo dhaamiskii sanadka.Waxaan leeyay dhammaan waxaa qabateen waa ajaro aad u waawayn.Allah haydinka abaal mariyo.Allah mahad leh.

Mohamed Hassan <fy403@ncf.ca

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga