M.KUXIGEENKA HALA WEYDIIYO XALKUU GEEYEY DHAQAALIHII MALAAYINTA DOLLAR EE CAAWAIMADA ABAARAHA IYO ROOBABKA

Asalaamu caleykum dhamaan bulshada reer somaliland waxaan rabey in aan xalkan idin kula wadaago dareen aan in mudo ah ba isweydiinayey oo ahaa xalka uu geeyey Madaxweyne kuxigeenku dhaqaalihii malaayiinta dollar ee ay 1,000,000 ha milyan dawlada Somaliya inoogu deeqdey 1,000,000 ha milyan iyo wax kabadana ganacsatada iyo qurbo joogu soo direen wali maan arag ama maqal qoysaskii dhibaatada weyn kasoo gaadhay abaarihii saameynta badan inagaga tagey ee xoolo iyo dadba ku madheen oo lagu wareejinayo dhaqaale on ka ahayn raashinkii carabtu inoo keentey, waxaa kaloon isweydiiyey dhaqaalihii faraha badnaa ee loo uruuriyey dadkii roobabkii xooganaa ee 15-kii dambee ramadaan da’ay xalka uu madaxweyne ku xigeenku geeyey ileyn wali

meynu arag hal qoys oo guryihii ka dumey loo dhisay ama dhaqaale lagu caawiyey. waa arin isweydiin mudan cida masuuliyada leh la xisaabtankuna waa madaxweynaha ee in uu la xisaabtamo oo aanu ku halayn dad iyagu usoo xayd xaytey uruursiga dhaqaalaha masaakiinta iyo agoomaha loogu soo deeqay. waxay ila tahay in aan talo lagu aamini karin madaxweyne kuxigeenka waana hay’adii qaranka uugu sareysay markey sidaas noqoto maxaad u maleyn wasaaradihiina sidee umada loogu dhacayaaa ALLAH WAXAAN KA BARYEYNAA IN UU DALKAN U GACAN GALIYO HOGAAMIYE UMADA IYO DALKABA U TUDHA OO DAL IYO DAD JACAYL KUJIRO ALLAH-NA HA INAGA QABTO INTA JEEBADAHA KABUUXSANEYSA XOOLAHA AGOOMAHA IYO MASAAKIINTA.

Ahmed Mohumed <mohumed2000@live.com

*********************************************************************
Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga