MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO SHACBIGA KA TACSI YADEEYAY GEERIDA GARAAD ABSHIR GARAAD SAALAX

Hargaysa(GNN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Garaad Abshir Saalax Maxamed oo ku geeriyooday shalay 01/07/2016 dalka Sweden.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay waayeel waayo arag ah oo hoggaamiye dhaqameed ruug cadaaya, muddo dheerna ku hawlanahaa horumarka iyo isku duubnida shacbiga Somaliland, waxaana garaadka lagu tiriyaa mid ka mida garaadada ugu faca weyn gobolka sool.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

Gabiley.net