Dacwada Sheekh Aadan Sune Oo Maalintii Labaad La Horkeenay Maxkamada Gobolka Hargeisa,

Hargeisa(GNN):-Subaxii Hore Ee Saaka Ayaa Si Adag loo Adkeeyey Amaanka Guud ee Maxkamada Gobolka Hargeisa iyo gabi ahaanba la xidhay wadooyinka kasoo gala labada dhinac Maxkamada Gobolka, dacwada sheekhan oo gashay maalintii labaad, ayaa saaka ka bilaabantay maxkamada gobolka hargeisa, walow aaney jirin cid loo ogolaaday dhegaysiga dacwdan, ayaa hadddana illo lagu kalsoonaan karaa nooga warbixiyeen, qaabka dacwada loo qaadayo iyo qodobada lagu eedeeyey sheekh aadan sune oo ka mida culimada magaalada hargeisa, Waxaya horaantii sanadkan may.3,2016- markii abaaro 12:20 habeenimo ciidamada boolisku kusoo qabteen gurigiisa oo ay u daateen, Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo la Hadlay Warbaahinta Ayaa Maalintaasi Sheegay yidhina Sidan”“Waxaanu halkan idinka sheegayna in xalay [habeen hore] oo bishu aheyd laba ay saacaduna aheyd ilaa 12:20 habeenimo ciidanka boolisku waxaa ay soo qabteen oo ay xarunta C.I.D ku xidheen sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) sheekhaasi waxaa uu ku kacey falal nabad galiyo daro oo khatar ku ah bulshada Somaliland .”
Afhayeenku wuxuu intaas raaciyay oo uu yidhi
“Hadhoow baad iska odhan doontan Sheekh baa la isku soo xidhay la iskama soo xidhin ee dariiqii sharciga ahaa baa loo maray danbigaas uu galay kiiskiisa waa la baadhey warqada qabashada maxkamada ayaa u soo jartey oo uu ku xidhan yahay waxaan deg deg loo geyn hor geyn doona maxkamada. ”

Haddaba Dacwadan oo Ku Dhow Gabogabo Iyadoo ay ahayd maalintii labaad ee loo fadhiisto,ayaa Garsooraha dacwadan qaadaya oo ah Garsoore Idiris maxamed maxamuud, kadib markii maxkamadu hore usoo dhegaysatay dacwada sheekha ay kusoo oogtay Xafiiska Xeer ilaalinta gobolku, Xeer ilaaliye Cabdi Idiris, oo ahayd sida lanoo xaqiijiyey, qodobada
lagu eedaynayo, inuu sheekh aadan sune uu ku kacay Kicin Dadweyne, Waraaqo uu u Qaybiyey Shacabka oo lidi ku ah falalka amniga iyo Muxaadarooyin uu ka jeediyey Maalmo jimce ah Masaajidada Magaalada hargeisa iyadoo uu si balaadhan uga hadlay, suxufi dhawaan lagu soo dhaweeyey dalka oo ahaa sida la sheegay dadka aaminsan in jinsiyada dadka laba qof oo kastaa ay is guursan karaa, anderson Cooper oo ah wariye caana isla markaana kiristan ah, muxaadirada sheekh oo ka haddashay ninkaasi iyo warar kale oo ka baxay warbaahinta kala duwan oo uu sheekhu siiyey ayaa uu si kulul ugu canaantay masuuliyiinta dawlada in ay yihiin kuwo sharcigii ilahay agmaray, Islamarkaana ilahay iyaga kala xisaabtami doono,
Si kastaba ha ahaatee dacwada sheekhan oo saaka la dhegaystay qareenada difaacaya iyo qodobada ay ku difaacayaan ayaan wali laga gaadhin gabogabo balse laga dhul sugayaa go’aamada kasoo baxa garsoorka maxkamada gobolka hargeisa,

Wixii Warar ah Ee kasoo Kordha Dacwadaasi Kala Soco Shabakada Gabiley News Network

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Axmed Almis.