Mayor Ku Xigeenka iyo Xoghayaha Fulinta DHH Waxay Hargaysa Ka Dhex Abuurayaan Fidmo

Waxa ceebta ah ee aadka loooga argagaxayo ee ay ku kaceen mayor kuxigeenka iyo xoghayaha fulinta DHH ee Hargaisa waxay noqon kartaa mid ay labaduba kala kulmaaan fadeexad tii ugu waynayd intay xilka hayeen.

Waxa la yaab bulshada ku noqotay sida rag waawayn oo masuuliyiin ahi ugu qoraan warqad fulineed dhul lagu muransan yahay oo kiiskoodu yaalo maxkamadaha dalka oo xitaa ay tahli kari waayeen inay bal horta xaqiiqda meesha taala ka war helaan.

Waxa ayaan darro wayni ay haysataa qaranka ay masuuliyiinta u yihiin labadaa nin ee umada madaxa iskugu dhufanaya.

Waxaan ugu baaqaya sida ugu dhaqsaha badan in looo joojiyo warqada been abuurka ah ee ay u sameeyen muwadinka ka mida Dhinacyada ku muransan Jagada KU taala Xaafada MAXAMED MOOGE ee magaalada Hargeisa isla markaan faraha kala baxaan gabi ahaanba hawshaas oo ay u dayaan maxkamadaha sharciga ah ee hawshoodu ay qusayso.
Waxaan fariin gaar ah u dirayaa Mayorka magalada Hargeisa iyo W/A/GUDAHA JSL oo aan leeyahay arinkaa la socda wixii dhib ka timaada Duminta guri Mayor kuxigeenku u soo qoray mid ka mida dhinacyada meesha ku muransan in masuuliyadeeda ay qaadi doonaan Mayor kuxigeenka Hargeisa iyo Xoghayaha DHH.

ALLA MAHAD LEH

Mawlid Cabdilaahi Guleid

Gulaid7up@gmail.com

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga