MEYDAD TIRO BADAN OO LAGA HELAY JUBA

Wararka laga helayo caasimadda Juba ee dalka South Sudan, ayaa sheegaya in meydad tiro badan la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada, ka dib dagaal xooggan oo shalay ka dhacay agagaarka madaxtooyada.

Lama xaqiijin tirada dadka ku dhintay iska hor imaadkaasi.

Dagaalka ayaa bilowday xilli madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar, ay ka shirayeen iska hormaad Khamiistii dhex maray kooxo is diidan, kaasoo ay ku dhinteen 5 ka mid ah askarta dowladda.

Labada mas’uul ayaa ku baaqay in xiisadda la qaboojiyo.

Iska hor imaadkii shalay ayaa ahaa kii ugu xumaa ee dhaca tan iyo markii uu Riek Machar kusoo laabtay Juba bishii April.

Dalka South Sudan ayaa maanta shan sano jirsaday

Source BBC