Midowga Yurub Oo Sheegay In Doorashada Muqdisho Caqabad Ku Nooqtay Sii Socodka Wada Haddalada Somaliland Iyo Somaliya ….

Wakiilka xilka kasii dagaya ee midowga yurub u qaabilsanaa somalilanad iyo somaliya danjire Michele CervoneDurso ayaa ka dhawaajiyay in wada hadalada Somaliland iyo somaliya dib u dhaci karaan sababo la xidhiidha mashquulka doorashada eek a taagan magaalada muqdisho.

Danjire Michele CervoneDurso aataa mar wx laga waydiiyay sida uu u arko wada xajoodka u socda somalilnd iyo somaliya iyo natiijada la filan karo waxa uu ku jawaabay “Waxaanu iminka galaynaa maralad doorasho,anaga oo maamulayna arimo aad u xasaasi ah sida Somaliland oo ah mid arin ada marxalada iminka lagu jiro,waxaana loo baahan doonaa wakhti badan laakiin anigu waxaan kalsoooni buuxda ka qabaa inay jiraan waxyaalo ku filan in laga galo oo bar bilow u ah qodobada muhiim ah kuwaasi oo ogalaan doona sii amba qaadka wada xaajoodka Somaliland iyo somaliya midho dhal leh”

Wada hadalada somaliya iyo Somaliland oo soo socday tan iyo sanadkii 2012-kii isla markaaan ku dhawaad sided jeer lagu kulmay wadamada ingiriiska,turkiga,Imaaraadka Carrabta iyo jabuuti iyada oo aany wali kasoo baxin wax natiijo ah oo muuqda.

Labadii bilood ee u danbeeyey ayaa muddo laba jeer ah dib loo riixay kulamo loo balamay inkaste oo mar kale la filayo in bishan ay kulmaan ergooyinka labada dhinac.