MUDAHARAAAD KA DHACAY DEGMADA SHEEKH EE GOBOLKA SAAXIL IYO TALIYAHA BOOLISKA DEGMADA OO KA HADLAY

SHeekh(GNN)Mudaharaad ayaa goor dhawayd ka dhacay degmada Sheekh ee ka tirsan gobolka Saaxil.

Mudaharaadkan ayey wararku sheegayaan in lagaga sooo hor jeeday xukunkii shalay lagu riday dadkii ku eedaysanaa dilkii taliyihii qaybta booliska ee gobolka Saaxil.
Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Sheekh Aamin Maxamed Cabdi oo ka Hadley mudaharadkan ayaa sheegay in ciidanka booliska ee degmadaasi ay kala dareeriyeen dadkii muhadaraadayey, waxaanu tilmaamay in mudaharaadkaasi socday mudo ku dhaw 30 daqiiqo.

Taliya Aamin ayaa waxa kale oo uu sheegay inaan mudaharaadkaas ka dhalan wax khasaare ah, isaga oo sheegay in dadka mudaharaadayey

ay u badnaayeen caruur iyo dumar kuwaas oo uu sheegay inay ka cabanayeen xukunkii lagu riday dadkii ku eedaysnaa dilkii taliyaha qaybta booliska ee gobolka Saaxil.

wixii warar ah ee ka soo kordha mudaharaadka kala soco shakada baligubedlemedia