MUDAHARAADYO XALAY FIDKII GILGILEY MAGAALO MADAXDA GOBOLKA SAAXIL EE BERBERA IYO WAXA LAGAG SOO HORJEEDO

Berbera(GNNadweyne gadoodsan ayaa caawa(xalay) Fiidkii magaaladda berbera gudaheedda ka bilaabay Mudaharaad lagaga soo horjeeddo Xukunkii Dilka ahaa Maxkamadda Ciidamaddu ku Xukuntay 8 Maxbuus oo ku eedeysnaa Dilkii Alla Ha u naxariistee Taliyihii hore ee qaybta gobolka Saaxil Cabdirisaaq Maxamuud Caseyr. Kaasoo dablay hubeysani ku dishay Buuraleyda gobolkaa.
Mudaharaadka xalay ka dhacay Berbera ayaa qayb ka ah, mudaharaaddo ilaa daraad ka bilaabmayey Degmooyinka Sheekh, Galoolay, qoyta iyo sidoo kale Dawga sheekh oo lagu daadiyey Dhagxaan.

Geesta kale, Ciidamada Booliska ayaa taxader badan ka muujiyey la tacaalida dadweynaha gadoodka kuwaasoo iyaggoo aan dhib loo geysan ugu waaninaya inay joojiyan Mudaharaadkaa, waxase ay ku qaadatay waqti aad u badan.

Si kastaba ha ahaatee, ilaayo shalay magaaladda berberi ka ladnayd mudaharaadad degmooyinkeedda ka socday, waxana Wararku sheegayaan inuu magaalada ku sugan yahay Agaasimaha wasaaradda Diinta iyo awqaafta Saleeban Siciid Cali, kaasoo la sheegay inuu ka dhex maleegaayo shir qoolo siyaasadeed, kaddib markii dagaal siyaasadeed ka dhex qarxay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor, waxana sida la sheegay wasiir Maxamuud Xaashi shalay ku amray Agaasime saleebaan inuu dhinaca caasimadda.

yimaadda farahana ka qaado arrimaha gobolka, isaggoo uga shakiyey kicin dadweyne.